Aadan madoobe
: "ganacsatada iyo Hay'adaha waxaan ka codsanaynaa in ay noo dhisaan xaruntii hore ee Baarlamanka".


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 9ka Feberaayo, 2010.


Baarlamaanka Dowladda KMG Somalia ayaa ugu baaqay shacabka iyo Hay'adaha Samafalka in ay gacan ka gaystaan dhismaha Baarlamanka dowladda oo aan wax dayactir ah helin ku dhawaad 20-sano oo ay dalka ka jireen dagaallo iyo dhibaatooyin kale.

Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka KMG ah ee Somalia Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe oo maanta kormeer ku tagay xaruntii hore ee Golaha shacabka oo ay ka socoto howlo dayactir ah ayaa ugu baaqay hay'adaha Samafalka iyo ganacsayada Soomaaliyeed inay ka qaataan dayactirka xarunta Golaha Shacabka.

Aadan Madoobe Guddoomiyaha Barlamaanka KMG ah oo lagu galbinayey gaadiidka Gaashaamaan ayaa xilli uu saxaafadda kula hadlayey xaruntii hore ee Golaha shacabka waxaa uu ka codsaday dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo Hay'adaha Samafalka inay gacan weyn ka geystaan dib u dayactirka xarunta Golaha shacabka.
 
Guddoomiyaha Barlamaanka ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso howlo dib loogu dayactirayo xarunta golaha shacabka, isagoona sheegay inay rajo wanaagsan ka qabaan in Barlamaanka KMG ah uu fariisin ka dhigto xarunta Golaha Shacbaka.

Waxaa aad u adag in ganacsatada Muqdisho ay qarash ku bixiyaan dhismaha xarunta Baarlamanka xilli aysan ganacsatadu gacan qaban boqolaal qoys oo Gaajo iyo cuduro ugu dhibaataysan duleedyada magaalada Muqdisho.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho