Dadka kudhintay dagaalkaasi ayaa
lasheegay in ay ubadnaayeen
maleshiyaadkii dagaalamayay,
inkastoo uu jiro qasaaro aan
badnayn oo soo gaaray dadka
shacabka ah.
Odayaal dhaqameedyo kasoo jeedo
deegaanka Bacaadweyn ayaa ku
baaqay in dagaalka si deg deg ah
loo jeediyo balse ma muuqdaan
wax Ajiibid ah oo ay muujinayaan
labada Maleeshiyo Beeleed ee
xurgufta u dhaxaysa.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho.
Allaha maslaxa Caam ah dhex
dhigo beelahaan walaalaha ah
anagoon jecleeyn inaan dhinac
garab istaagno, balse wax
garadka labada beelood kuwooda
dalka ama qurba joogti ay
qaadaan talaabo lagu baajinaayo
dhiiggan macna darrada lagu
daadinaayo.