Magaalada Muqdisho oo ay
dhinacyadu Dagaal kala bax ah u
diyaar Garoobeen
MudugNet, Muqdisho, Sabti, 6da Feberaayo, 2010.
dhaq
dhaqaaqyo Ciidan oo aad u xoog
ban ayaa aga dareemayaa
degmooyinka magaalada Muqdisho
kuwaas oo u dhexeeya Xoogaga
Islaamiyiinta ah iyo Ciidamo
taabacsan dowlada KMG ah oo
taageera ka helaya AMISOM.
Dowladda Shariifka ayaa Ciidamo
farabadan kusoo kordhisay aagaga
ay isku hor fadhiyaan xoogaga
Mujaahidiinta ah iyo
Maleeshiyaadka dowladda.
Ilo wareedyo aan ka helnay
goobaha dagaalka ayaa
xaqiijinaya in Dowlada
Federaalka KMG Somalia ay
Mushaar uqaybisay Mushaaraad
kadib markii ay dhawaan Muqdisho
soo gaareen Saraakiil katirsan
Q.Midoobe iyo Beesha caalamka
waxaana la sheegay in ay
dhaqaale siiyeen madaxda
dowladda.
Xoogaga Islaamiyiinta ayaa iyana
u diyaar garoobay dagaal uga
yimaad Maleeshiyada dowladda iyo
ciidamada AMISOM, saacadaha soo
socda ayaa lafilayaa in
magaalada ay ka dhacaan dagaallo
lamase oga waxa ka dhalan kara
dagaalka.
Afhayeenka howlgalada ururka
Xizbul Islaam Maxamed Cismaan
Caruus ayaa ku eedeeyey dowladda
KMG ah inay ciidamo fara badan
soo dhoobtay qeybo ka mid ah
magaalada Muqdisho islamarkaana
xarumo cusub ay dgeen.
Caruus ayaa sheegay inay diyaar
u yihiin inay iska difaacaan
weerar kasta oo uga yimaada
ciidamada dowladda KMG ah,
isagoona sheegay inay ka war
hayaan dhaqdhaqaaqyo ay wadaan
ciidamo cusub oo ay leedahay
dowladda KMG ah.
"Iska caabin aan horay loo arag
ayaan sameyn doonaa, waxaan
heysanaa ciidamo xoog leh oo
iska difaaca kara weerar kasta
oo ay soo qaadaan qolyaha
dowladda sheegta" ayuu yiri
Maxamed Cismaan Caruus.
Si kastaba ha ahaatee shacabka
magaalada Muqdisho ayaa sugaya
dagaal kalabax ah oo labada
dhinac ku dhaxmara magaalada
Muqdisho balse dhimasho kaliya
laga dhaxli doono sidii horay u
dhici jirtay.