Ciidamada Dowladda KMG ah oo Baaritaanno aad u xoogan ka sameeyay deegaano katirsan degmada Hodon magaalada Muqdisho.


MudugNet, Muqdisho, Sabti, 6da Feberaayo, 2010.


Saraakiil katirsan Ciidanka dowladda KMG Somalia ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay Howlgallo baaritaanno ah oo ay maanta ka fuliyeen xaafadaha ku teedsan Wadada Makka Almukarama degmada Hodon magaalada Muqdisho.

Ciidanka dowladda KMG ah ayaa baaritaano ka sameeyey inta u dhexeysa isgoysyada KM4 illaa kan dabka ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ciidamada dowladda ay baarayeen gaadiidka dadweynaha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo ay feejignaan ka muuqato ay dadka shacabka ah ka dajinayeen gaadiidka BL-ka ah deetana ka ay baaritaano xooggan ku sameynayeen gaadiidka iyo dadweynaha saaran.

Ma jiro dad ay qabqabteen ciidamada dowladda KMG ah intii ay baaritaanada soconayeen, waxaase la sheegay in xayiraad ay la kulmeen gaadiidka dadweynaha ee isaga dhex goosha isgoysyada Bakaaraha illaa KM4 ee magaalada Muqdisho.

Lama oga sababaha ay Ciidanka dowladda katirsan baaritaanada u sameeyeen waxaysa kusoo aadaysaa xilli saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho laga dareemayay dhaq dhaqaaq loogu diyaar garoobayo dagaal.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho.

Allaha ka dhiga dagaalkii lagu cirb tiri Khawaarijta Argagixisada ah iyo Mooryaan Diimeedda maan doorsan ee ay adeegsadaan... Aamiin ...

Cabdow Cadde