Sheekh Indha cadde " Al Shabaab ayaa Dab ku qabatay Suuqa Bakaaraha dowladda KMG ah wax lug ah kuma lahan".


MudugNet, Muqdisho, Sabti, 6da Feberaayo, 2010.


Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga dowladda KMG ah Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ururka Al-shabaab uu ka dambeeyey gubashadii qeybo kamid ah suuqa weyn ee Bakaaraha.

Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay in shaqsiyaad katirsan ururka Al-shabaab ay lahaayeen Shidaalkii ku gubtay suuqa Bakaaraha islamarkaana ay si bareer ah dab u qabadsiiyeen iyagoo arrintaas ka leh ujeedooyin gaar ah.
Sheekh Yuusuf Indha Cadde wuxuu carrabka ku dhiftay in Shabaab ay dhaxdooda isku qabteen Hanti shidaal ah oo ay iyagu lahaayeen markii ay is khilaafeena ay gubeen hantida.
"qolooyinkaas Mooryaan diimeedka ah ayaa gubay suuqa Bakaaraha, iyaga ayaa isku khilaafan hanti shidaal ah oo ay lahaayeen markaas ayay iska gubeen, shacab masaakiin ahna way hanti beeliyeen'ayuu yiri Indha cadde.

Sidoo kale Indha Cadde wuxuu dhaleeceeyay Guddi ay Shabaab u magacaawday U gurmashada dadkii ku hanti beelay dabkii suuqa Bakaaraha wuxuuna ku tilmaamay guddi khiyaano ah.
Shabaab ayaa horay usamaysa guddi kala ahaa

1-Fu'aad Maxamed Khalaf
2-Cali Max'med Xuseen
3-C/fitaax Aweys Abu Xamza
4-Saalax Maxamed Cali
5-Suldaan Aala Max'med.

Indha Cadde ayaa siweyn u diidan Fikradaha Al Shabaab wuxuuna dhowr jeer ku celceliyay in uu dagaal uga saari doono dalka Al Shabaab iyo Xisbul Islaami

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho.