Maleeshiyo Hubaysan ayaa
dhibaato dhanka amaanka ah ka
wado deegaanada lagu Barakacay
ee duleedyada magaalada Muqdisho
xilli hadlkaasi uu ka jiro
maamul hoos yimaad Ururka Xisbul
Islaam oo kamid ah dhinacyada
hubaysan.
Kooxaha falka geystay oo
lasheegay inay ahaayeen kooxo
burcad ah ayaa waxa ay toogasho
ku dileen wiil dhalinyaro ah,
iyagoona dhaawac u geystay wiil
kale oo ay wada socdeen wiilka
dhalinyarada ah oo ay dilka ub
geysteen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in
kooxaha burcadda ah ay
taleefanka gacanta ka qaateen
wiilka ay dileen, iyadoona
dilkiisa uu ka damabeeyey kadib
markii uu ka madax adeegay inuu
dhiibka taleefanka gacanta ee uu
watay.
Kooxaha dilka geystay ayaa
markiiba goobta ka baxsaday,
iyadoona meydka wiilka
dhalinyarada ah goobta laga
qaaday, waxaana isbitaal loo
qaaday dhaawaca wiilka kale.