Kooxo
Islaamiyiin ah oo sheegay in ay
Suuq Cusub u samaynayaan
Ganacsatada Shidaalka Bakaaraha.
MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 4ta Feberaayo, 2010.
Kooxaha kasoo horjeeda dowladad
KMG Somalia ayaa ku kaliyoobay
ka hadalka gubashadii dhawaan ka
dhacday Suuqa Bakaaraha
magaalada Muqdisho oo ay ku
hanti Beeleen Boqolaal ganacsato
Soomaaliyeed ah.
Guddoomiyaha ururka Xizbul
Islaam ee gobolka Banaadir
Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo
maanta shir jaraa'id ku qabtay
magaalada Muqdisho ayaa sheegay
in ururkooda uu wada tashiyo la
leeyahay ganacsatada shidaalka
iibisa si shidaalka looga raro
suuqa weyn ee Bakaaraha.
Wuxuu sheegay inay doonayaan
inay shidaalka ka dhex saaraan
qeybaha kale ee ganacsiga taas
oo uu sheegay inay yareyn karto
khasaaraha kadhalanaya haddii uu
dab ka kaco suuwa qeyn ee
Bakaaraha.
"Waxaan wadnaa Fikir ah in la
kala saaro shidaalka iyo qeybaha
kale ee ganacsiga suuqa
Bakaaraha si dhibaatadu u
yaraato" ayuu yiri Macalin
Xaashi Maxameds Faarax
guddoomiyaha ururka Xizbul
islaam ee gobolka Banaadir.
Kooxda Xisbul Islaam waxay
Dabkii ka kacay suuqa Bakaaraha
ku Eedeeysay in ay Mas'uul ka
ahaayeen Ciidamada AMISOM ee ku
sugan qaybo katirsan magaalada
Muqdisho "kadib baaritaano aan
samaynay waxaan ogaanay in
AMISOM ay gubtay suuqa
Bakaaraha"ayuu yiri Macalin
Xaashi.