Xasan Turki oo Fagaare ka sheegay in uu ka baxay Xisbiga Xasan Daahir kuna biiray Al Shabaab.


MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 4ta Feberaayo, 2010.


Hogaamiyaha Keyma joogga ah Xasan C/lahai xasan Turki ayaa markii ugu horaysay u jawaabay Xasan Daahir Aweys oo dhawaan sheegay in Xasan Turki uu shaqsiyan ugu biiray Al Shabaab.

Xasan Turki oo aan la ogayn halka uu joogo ayaa sheegay in Ururkiisii Raaskaambooni uu ku biiray Al Shabaab islamarkaana ay wadaan qorshayaal ay kula midoobayaan Ururka Al Qaacidda sida uu hadalka u dhigay.

Shiikh Xasan Turki oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey ku biiristiisa ururka Al-shabaab, isagoona qiray inuu ka qeyb galay kulankii maalmo kahor kadhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wuxuu sheegay in kulankii kadhacay magaalada Baydhabo uu ahaa mid lagu midaynayey mujaahidiinta islamarkaana laga gaaray guulo, isagoona ugu baaqay dhinacyada kale ee aan ka qeyb galin kulankaas inay ka shaqeeyaan midnimada mujaahidiinta.

"Waxaan doonayaa in la mideeyo xoogagga Islaamiyiinta ah ee Somalia kadibna la mideeyo kuwa caalamka ee Al qaacidda hormuudka u tahay" ayuu yiri Shiikh Xasan Turki oo u muuqday inuu si weyn ugu qanacsan yahay ku biiristiisa ururka Al-shabaab.

Xasan Daahir Aweys Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa u muuqday in uu waayay Garab weyn oo ay isla mucaaradsanaayeen dowladda KMG ah waxaana laga yaabaa in Xasan Daahir Gacantiisa kabaxo Xisbul Islaam.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho