Dowlada
KMG ah " Maalin Gudeheed ayaan
dalka ugala wareegi doonaan
Kooxaha Hubaysan ee Argagaxisada
ah".
MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 4ta Feberaayo, 2010.
Dowladda KMG Somalia ayaa markii
10-aad ku celisay in ay dagaal
ku qabsan doonto goballo iyo
degmooyin ay gacanta ku ahyaan
xoogaga Islaamiyiinta ah ee
dowladda ka qabsaday gobolo
muhiim ah oo dhaca Koonfurta
dalka Somalia.
Wasiirka Beeraha dowladda KMG ah
ee Somalia Maxamed Ibraahim
Xaabsade oo la hadlay
warbaahinta ayaa shaaca ka
qaaday in dowladda KMG ah ay
diyaarisay qorshe balaaran oo ay
ku weerarayso gobolada konfureed
oo xiligaan ay gacnata ku hayaan
xoogagga hubaysan.
Maxamed Ibraahim Xaabsase ayaa
sheegay in dowladda KMG ah ay
diyaarisay ciidamadii weerari
lahaa gobolada ay gacanta ku
hayaan xoogagga dowladda
kahorjeeda, waxaana uu carabka
ku dhuftay magacyada gobolada ay
dowladdu weerarayso.
"Dowladda KMG ah way diyaarsatay
wax alaale wixii ay heli kartay
dhawaana dagaal ayay ku qaadi
doontaan kooxaha qaswadayaasha
ah ee shacabka xoogga ku
haysta"ayuu yiri Maxamed
Ibraahim Xaabasade oo intaas ku
daray in gacan ku heynta
goboladaas ay la wareegi doonaan
ciidamada dowladda KMG ah.
Dowladda KMG Somalia ayaa in
Mudda ah dagaal dhanka afka ah
ku qaadaysay xoogaga Mucaaradsan
oo maamulo in kabadan 9 Gobal oo
dhanka Koonfurta iyo baratamaha
dalka Somalia.