Daahir
Maxamuud Geelle "Kooxaha
nadiidan waxay haystaan Garoomo
iyo Dekado ay dhaqaale xoog leh
ka helaan".
MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 4ta Feberaayo, 2010.
Wasiirka Warfaafinta Dowladda
KMG Somalia ayaa shaaca ka
qaaday in Kooxaha kasoo horjeedo
dowlada Federaalka ay dhaqaale
xoogan ka helaan Garoomo iyo
Dekado kuyaal gobalada ay
maamulaan.
Daahir Maxamuud Gelle oo
lahadlay Wargayska AL-sharqul
Owsat ayaa sheegay in Kooxo
Jihaadiistayaal ah ay dhibaato
ka wadaan caalamka islamarkaan
ay taasi saamayn balaaran ku
yeelatay Somalia.
"Kooxaha sheega in ay
Jihaadayaan waxay dhibaato ka
wadaan caalamka ,Erayga Jihaadka
ayaa ladhihi karaa waa mid
caalamka amaankiisa liddi ayuu
ku yahay"ayuu yiri Daahir
Maxamuud Geelle.
Sidoo kale Daahir Gelle wuxuu
sheegay in kooxaha kasoo
horjeedo ay haystaan dhaqaale
xoogan oo ay ka qaadaan Garoono
Macmal ah iyo Dekado taasina ay
keenayso in ay sii kordhiyaan
dagaalada ay kula jiraan dowlada
KMG Somalia.
Hadalka kasoo yeeray Wasiirka
ayaa kusoo aadaya xilli ay
Islaamiyiinta maamulaan gobala
badan halka ay dowladdu maamusho
wax kayar 5 degmo oo katirsan
Magaalada Muqdisho.