Mudanayaal ka tirsan Baarlamanka oo Muqdisho ka shaaciyay Mooshin ka dhan ah dhibaatada ay Kenya ku hayso shacabka Somalida ah.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 3da Feberaayo, 2010.


Xildhibaanno katirsan Baarlamanka Dowlada KMG ah ayaa magaalada Muqdisho ka sheegay in ay Gudbiyeen Mooshin ka dhan ah dhibaatada ay Dowladda Kenya Ciidankeeda ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ah.

Mudanayaashan ayaa isku raacay in wax aad loogu xumaado ay tahay sida dowladda Kenaya ay ula dhaqantay dadka Somaliyeed iyo Mas’uuliyiin katirsan dowladda KMG ah kuwaasi oo dowladda Kenya ay amar ku siisay in ay Somaliya ku laabteen ama ay galaan xeryaha qaxwootiga.

Xildhibaan Cali Cumar Geele oo kamid ah xildhibaanada 40-ka gaaray ee maanta kulanka ku yeeshay magaalada Muqdsho ayaa sheegay in arintan aysan marnaba aqbali doonin isla markaana waxa Kenya ay ku kacday aan loo baahneyn.

Waxaana intaasi uu ku daray in hadii dowladda Kenya aysan si sharaf ku jirta ula dhaqmin Mas’uuliyiinta dowladda KMG ah ay ka arinsan doonaan arinkan islamarkaana xafiisyada dowladda KMG ah ay ku leedahay Kenya loo weecin doono dowlado kale

Kenya ayaa Maalmihii lasoo dhaafay magaaladam Nairobi ka waday Jirdil iyo Xabsi dhigid ay ku haysay Dadka qaxootiga ah iyo Xildhibaanada Dowladda KMG Somalia taas oo walaac laga muujiyay waxayna xaaladu sii xumaatay markii Muqdisho lagasoo dejiyay Dad Kenya lagasoo tarxiilay.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho