Faah Faahin dheeri ah oo kasoo baxday Dab Khasaara Hantiyadeed gaystay oo Xalau ka kacay Suuqa Bakaaraha Magaalada Muqdisho.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 3da Feberaayo, 2010.


Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dab xoogan oo xalay ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho oo ah suuqa ugu weyn Dalka Somalia shacab badana ay ku Ganacssadaan.

Khasaara Xoogan ayaa Ganacsatada Shidaalka Iibisa kasoo gaaray Dabkii xalay ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho waloow Dabku uu aad uga khasaara yaraa Dadbkii horay uga kici jiray Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Dabka oo ahaa mid aad u xoogan ayaa dhibaato ugaystay Kedydkii Shidaalka Suuqa Bakaaraha iyo Hotello ku yaala bartaha Suuqa Bakaaraha, Ganacsato ku Ceyrtoobay Dabkii xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa la sheegay in ay muujiyeen samir halka qaar kale ay shoog qaadeen.

Sheekh Maxamuud Ow Cabdulle Cariif oo kamid ah Mashaa'ikhda Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay ganacsada Ceyrtoobay in ay ku sabraan Musiibada Rabaaniga ah ee suuqaasi ka dhalatay.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho