Shacabka
iyo Ganaacsatadda Soomaalida
Kenya oo soo dhaweeyay mooshinka
ka dhanka ah Xiriir Soomaaliya
iyo Kenya.
MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 3da Feberaayo, 2010.
Shacabka iyo ganacsatadda
Soomaaliyeed ee ku nool wadanka
kenya gaar ahaan magaaladda
Nairobi ayaa soo dhaweeyay
mooshinka qaar ka mid ah
mudanayaasha baarlamanka
soomaalida ee ku saabsan
dhibaatadda Dowladda Kenya ay ku
heyso dadka soomaaliyeed ee ka
cararay dhibaatadda ka jirta
dalkooda.
Soomaalida kenya ku nool ayaa ku
tilmaamay mooshinkaasi mid
lagula xisaabtamaya dowladda
Kenya dhibaatooyinka ay ku heyso
shacabka Soomaaliyeed oo si
bareer ah ugu tumatay
xuquuqdooda iyo sharaftooda.
Qaar ka mid ah shacabka kenya oo
u waramayay shabakadda Mudugnet
ayaa sheegay in go'aankan ay
qaateen mudanayaasha baarlamanka
Soomaalida uu yahay mid dhabaha
u xaaraya ilaalinta sharafta
muwaadiniinta soomaalida oo
dhibaatoo aan xad lahayn ku haya
ciidamada Booliska Kenya.
Mohamed C/rahman Ali oo ka mid
ah ganacsatadda Soomaalida kenya
ayaa ku tilmaamay Booliska Kenya
kuwa cadaawad iyo midab takoor
gaar ah ku haya jaaliyada
Somalida,iyadoo wadanka ay ku
nool yihiin jaaliyado kale balse
soomaalida ay noqotay
bartilaameed ay beegsadaan dadka
Somalida oo kaliya.
Waxaan aan uga bixi karnaa
dhibaatadda nagu haysato kenya
in aan dalkeena hooyo dib ugu
laabano oo hantideen aan ka
qaadano kenya. sidaasna waxaa
yiri mohamed C/rahman Ali.
Mohamed waxa uu intaasi ku daray
iney soo dhaweynayaan mooshinka
qaar ka mid ah xubnaha
baarlamanka soomaaliya oo ku
saabsan in dowlada soomaaliya ay
ka fiirsato xiriirka iskaashi ay
la leedahay Dowladda kenya
maadaama CiidamadaKenya dhibaato
ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed.
Mohamed A/rahman ayaa ugu
dambeyntii ugu baaqay dowladda
KMG ee Soomaaliya iyo kooxaha
Mucaaradka ka soo horjeeda iney
khilaafkooda ku xaliyaan wada
hadal isla markaana si deg deg
ah u joojiyaan colaada iyo
dagaalada aan xadka lahayn,si
buu yiri Somalida ku dacdareysan
Kenya ugu suurta gasho iney dib
ugu laabtaan dalkooda hooyo.
Dareenkan soomaaliya ku nool
kenya ayaa soo baxay ka dib
markii maanta in ka badan 40
mudane oo ka tirsan baarlamanka
soomaaliya magaalada Muqdisho ka
soo saareen mooshin ka kooban 8
qodob oo ka dhan ah xiriirka
Dowladda Kenya iyo Soomaaliya.
Qodobadda Mooshinka waxaa ka mid
ah:-
-In dowalada KMG Soomaaliya ay
ka fiirsato xiriirka siyaasadeed
iyo iskaashi ay leedahay
Dowladda Kenya.
-In Xafiisyadda hay'adaha
Qarmada Midoobay ee ka shaqeeya
Soomaaliya loo soo wareejiyo
dalka Djabouti iyo kuwa kale ee
dariska la ah Soomaaliya.
-In gabi ahaanba la joojiyo
ganaacsiga Sunta cagaaran(Qaadka)
laga soo dhoofiyo Kenya ee la
geeyo Soomaaliya.
-In Shirarka iyo Siminaaradda
Soomaalida lagu qaban jiray
Kenya loo wareejiyo wadamada
Djabouti,Ethiopia iyo Uganda.
Caradda iyo qeylo dhaanta ka soo
yeerta mudanayaasha soomaamliya
ayaa timid ka markii Dowladda
Kenya ay qaaday talaabo lagu
raafaayo shacabka iyo
mas'uuliyiinta Dowladda KMG ee
ku nool dalka Kenya wixii ka
dambeeyay Rabshadihii ka dhacay
magaalada Nairobi oo ay ku
dhinteen dad badan oo
mudaaharaad rabshado wata ka
sameeyay Magaalada Nairobi
horaantii Bishii janaayo ee
sanadkan.