Kenya oo
Ciidamo dheeraad ah geysay Xadka
ay la wadaagto soomaaliya.
MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 3da Feberaayo, 2010.
Saraakiisha amaanka wadanka
Kenya ayaa shaaca ka qaaday in
ciidamo iyo qalab Milatari oo
dheeraadka ah geeyeen xuduuda
kenya iyo soomaaliya ,ka dib
markii ay heleen xogo sheegaya
in Dowladda KMG soomaaliya ay
talo jirto weeraro ka dhan
kooxaha Mucaaradka ka soo
horjeeda.
Warbaabhinta Kenya oo soo
xigatay saraakiisha amaanka ayaa
sheegay in sababta loo adkeeya
amaanka xuduuda tahay si loola
socodo dhaqdhaqaaqa xadka labada
dal ay wadaagaan,isla markaana
looga feejignaado in
dagaaladaasi ay saameeyn ku
yeeshaan dhinaca dalka Kenya.
Dowladda Kenya ayaa cabsi
dhinaca Amaanka ah ka muujisay
dhinaca Kooxaha islaamiyiinta
soomaalida oo kenya ku Edeeyay
in Xeryo lagu tababaro ciidamada
dowladda Kmg soomaaliya laga
furay Gudaha Kenya.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr
jeer ku celcelisay iney qaadeyso
guluf dagaal oo ka dhan ah
Islaamiyiinta ka soo
horjeeda,iyadoo inta badan
goboladda dalka ay ka maamulaan
Mucaaradka,halka dowladda ay ka
taliso qeybo yar oo Ka tirsan
caasimadda.