Guddi u istaagi doona samata
bixinta shacabka Soomaaliyeed ee
ku dhaqan Duleedka magaalada
ayaa maanta looga dhawaaqay
magaalada Muqdisho xilli ay
dhibaatooyin haystaan
Barakacayaasha.
Kadib Markii ay Hay'adaha
Samafalka ay Biya dhaamintii ka
joojyeen Dadka ku Barakacay
Ceelasha Biyaha,Carbiska iyo
Lafoole ayay Culimaa'udiin
Soomaaliyeed bilaabeen in ay u
qayla dhaamiyaan shacabka
dhibaataysan.
Gudi isku dhaf oo isugu jira
Culimaa’udiin iyo ganacsato ayaa
isu taagay sidii ay wax uga
qaban lahaayeen xaalada dhibka
badan oo ay ku suganyihiin dadka
ku barakacay inta u dhaxeysa
Muqdsho iyo afgooye oo xaalad
biya la’aan ah ay soo food
saartay.
Dhibaatada ugu badan ee dadkan
heysato ayaa ah biya la’aan
kadib markii Hey’adihii
booyadaha biyaha ku siin jiray
dadka barakacayaasha ah ay
dhoween joojiyaan howshaasi.
Gudigan isu xilqaamay wax u
qabashada dadka barakacaayasha
ah oo ka kooban ganacsato iyo
Culimaa’udiin ayaa ka soo
uruurin doona ganacsatada
Somaliyeed lacago lagu caawinayo
dadka ku dhibaateysan inta u
dhaxeyso Muqdisho iyo Afgooye.
Gudoomiyaha gudigan Sheekh C/fitaax
Awees Abuu Xamza ayaa sheegay in
howshooda ay si dhaqsi ah ku
bilaabi doonaan islamarkaana la
gar gaari doono dadka dhibaatada
ay heysato.
Dhismaha gudigan ayaa ku soo
beegmay xilli baahi dhinaca
biyaha ay ka taagantahay
deegaanada ku yaala duleedka
Magaalada Muqdisho.
Waa Markii ugu horaysay oo ay
Dadka Somali ah sheegaan in ay
Buuxinayaan Boosaskii ay
baneeyeen hay'adaha Samafalka oo
intooda badan ka baxay Koonfurta
Somalia gaar ahaan meelaha ay
maamulaan Kooxaha Islaamiyiinta
ah.