Golaha
Abwaaniinta oo Ganacsatada ugu
baaqay in ay Sadaqo iyo Zako
bixiyaan hadii kale dhibaato ku
dhacayso Ganacsigooda.
MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 3da Feberaayo, 2010.
Qaar katirsan Abwaaniinta
Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay
ganacsatada Suuqa Bakaaraha in
ay Ugurmadaan shacabka
Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan
magaalada Muqdisho iyo
hareeraheeda.
Abwaan Abshir Bacadle oo kamid
ah Awaaniinta Muqdisho ugu weyn
islamarkaana ah Ganacsade caan
ka ah Suuqa Bakaaraha ayaa
sheegay in Musiibooyinka ka
dhacaya Suuqaasi Bakaaraha ay
yihiin kuwa ka dhashay Khaladaad
ay galeen Ganacsatada.
Abwaanka ayaa sheegay in
Ganacsata badan oo ku ganacsada
Suuqa Bakaraha aysan bixin
Waajibka lagu leeyahay gara
ahaan Zakada iyo Sadaqada "Gubashada
Bakaaraha ee soo laalaabata
waxaa sabab u ah Ganacsatada oo
Sadaqadii yareeyay islamarkaana
aan bixin Zakada, war iska
bixiya Zakada hadii kale alle
ayaa ciqaabtiisa na
dareensiinaya"ayuu yiri Abshir
Bacadle.
Fikir kaasi ka duwan waxaa qaba
Sheekh Cabdi Fitaax Abuu Xamza
oo sheegay in Dad badan oo Zaka
bixiya waxna sadaqaysta ay ku
ceyrtoobeen Dabka "Dad Badan
ayaa ku ceyrtoobay Dabka
waajibka lagu leeyahayna iska
bixiya,waa Musiibada rabbi oo
Imtixaan noogu filan" ayuu yiri
Sheekh Cabdi Fitaax.