Wadada isku xirto degmada Balcad iyo Magaalada Jowhar oo Dayactir heer sare ah lagu sameeyay iyo Gaadiidlayda oo soo dhaweeyay.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 2da Feberaayo, 2010.


Gaadiidlayda isaga kala gooshta magaalada Muqdisho iyo Gobalada dhexe ayaa soo dhaweeyay dayactir ay kooxaha mucaaradka ah ku sameeyeen wadada shabeelaha dhexe marta

Qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka gobolka Sh/ Dhexe ayaa soo dhoweeyay dhismaha Xarakada Mujaahidinta Al-shabaab ay ka bilaawday wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo jowhar ee gobolka Sh/ dhexe.

Qaar kamid ah wadayaashan oo la hadlay Warbaahinta ayaa aad u soo dhoweeyay talaabada ay xarakada Al-shabaab ku dayac tireyso bur burka wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar oo ay ku muuqdeen sanadihii dambe bur bur aad u xoogan.

Shalay ayay aheyd markii wilaayada gobolka Banaadir ee xarakada Al-shabaab ay soo gaba gabeysay wajigii hore ee dayactir ay ku sameyneyso wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo jowhar.

Talaabadan waxaa si weyn u soo dhoweeyay gaadiidleyda isticmaasha wadadaasi oo sheegay in markii hore ay dhib ku qabeen maritaanka wadadaasi bur bursan islamarkaana dhowr jeer ay halkaasi ku rogmadeen gawaari xamuul iyo BL ah intaba.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho