Dad laga
soo Tarxiilay Wadanka Kenya oo
maanta soo gaaray magaalada
Muqdisho iyo Cambaarayn loo
jeediyay arrinkaas.
MudugNet, Muqdisho, Talaado, 2
da Feberaayo, 2010. Dowladda wadanka Kenya ayaa
markii ugu horaysay soo
Tarxiishay Boqolaal Soomaali ah
oo ay dhawaan Ciidankeeda
Booliska ah ka raafeen magaalada
Nairobi gaar ahaan xaafadda
Islii oo ay Somalidu ku badan
tahay.
Dadkaan oo tiradooda ay
gaaraysay 110-qof ayaa laga kala
keenay dalalka Sacuudiga iyo
Kenya, waxaana halkaas kaso
qaaday diyaarad si qaas ah ay
ugu soo kiraysay dowladda
Sacuudiga.
Boqol ka mid ah dadka tarxiilka
ah ee maanta soo gaaray
magaalada Muqdisho ayaa laga
keenay dalka Sacuudiga kadib
markii ay halkaas ka qabqabteen
ciidamada dalka Sacuudiga.
10-kale ayaa iyagana laga soo
tarxiilay dalka Kenya kadib
markii ciidamada dalka Kenya ay
ku qabqabteen howlgallo ay
dhawaan ka soo sameeyeen
magaalada Nairobi ee xarunta
dalka Kenya.
Haweenay ka mid ah dadka
Soomaalida laga soo tarxiilay
magaalada Nairobi ayaa sheegtay
inay muddo 20-maalmood ah ku
jireen xabsi ku yaala magaalada
Nairobi, waxaana ay sheegtay in
ciidamada dalka Kenya ay si xun
ula dhaqmeen.
Waa Markii ugu horaysay oo ay
Kenya Dadka ay kusoo qabatay
Howlgallo ay Tarxiil diyaaradeed
ku keento magaalada Muqdisho
dalka Somalia.