Sheekh Axmed Madoobe "Al Shabaab iyo Sheekh Xasan Turki waa Takfiir Maslaxi ah waana la dagaalamayaa".


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 2da Feberaayo, 2010.


Saraakiil katirsan Ururkii Hore ee Raaskaambooni ayaa beeniyay in Ururkii Kaabooniyiinta uu lamidoobay Ururka Hubaysan ee Al Shabaab xilli uu Xasan Turki Shabaab ku biiray.

Shiikh Axmed Madoobe ayaa talaabadaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo la dhoodhoobay, waxaana uu sheegay in laga been abuuray Shiikh Xasan Turki oo uu sheegay inuu yahay nin xanuunsan.

Wuxuu si kulul u qaadacay isku biiridda labada urur, waxaana uu sheegay in mucaskarka Raaskaambooni uu weli kamid yahay ururka Xizbul islaam islamarkaana aanu jirin wax isku biirid ah.

"Ragga sheegay inay ku biireen Al-shabaab mar hore ayaaba laga saaray ururka Xizbul Islaam Shiikh Xasan Turkina wuuba xanuunsan yahay" ayuu yiri Axmed Madoobe oo kamid ah saraakiisha ururka Xizbul Islaam.

Shiikh Axmed Madoobe oo la weydiiyey halka uu ku sugan yahay ayaa sheegay in joogo qeybo kamid ah gobolka J/hoose islamarkaana uu qeyb ka ahaa weerar maalin kahor lagu soo qaaday degmada Afmadow ee gobolka J/hoose oo ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho