Sheekh
Xasan Daahir Aweys oo Isagoo
Dareeska Ciidanka ku Labisan
Eedayn u Jeediyay Al Shabaab iyo
Dowladda KMG Somalia
MudugNet, Muqdisho, Talaado, 2
da Feberaayo, 2010.
Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa
si kulul u Cambaareeyay War
shalay kasoo yeeray Saraakiil
katirsan Al Shabaab iyo
Kaamooniyiinta oo sheegayay in
labadaasi Urur Midoobeen.
Xasan Daahir Aweys wuxuu qiray
in Sheekh Xasan Turki ku biiray
Al Shabaab balse aan ladhihi
karin Kaambooniyinta ayaa
shabaab ku biiray, Aweys oo
labisan Darees Ciidan ayaa ka
dhaxmuuqday saxaafadda wuxuuna
eedayn u jeediyay shabaab iyo
dhinacyo kale.
W a r s a x a a f a d e e d (B) Cambaareyn:
1. Xizbiga Islaamiga waxa uu
Cambaareynayaa Qorshaha uu ku
soo bandhigay wakiilka Spain ee
ku aadan in ay Ciidamo ka socda
Qaramada Midoobi loo soo diro
Dalka Soomaaliya, taasi oo aan u
arkeyno in lagu sii kordhiga
dhibaatada haatan ka taagan
dalka soomaaliya.
2. Xizbiga Islaamiga waxa uu
cadeynayaa in shirka ka dhacay
Adis ababa A.U iyo IGAD uu yahay
Shirqool ay wadato Ethiopia
laguna marin habaabinayo Beesha
Caalamka looguna adeegayo
Cadowga gumaadka ku haya
Shacabka soomaaliyeed.
3. waxaan aad iyo aad uga
xunnahay isla markaana
Cambaareynaynaa hadalkii dhawaan
ka soo yeeray Dowladda
Mareykanka ee ku aadanaa in ay
ka taageereyso Ciidamada Amisom
iyo kooxda shariif dhinaca
saanadda Millatari ka dib markii
ay ku baaqday Hay’adda Amnest
International in laga joojiyo
hubka lagu daabulayo soomaaliya
kaasoo lagu xasuuqayo shacabka
Soomaaliyeed.
4. kooxda shariif oo taageera ka
haysta Ciidamada Cadowga ee
Amisom ay qorshaynayaa falal iyo
weeraro lagu burburinayo Ku
dhaqanka Shareecada Islaamka,
dhibaataynta Umadda Muslimka ah,
Gumeysiga Dalka, ayna cadeeyeen
in la gaaray sanadkii 2aad ee
xasuuqa Shacabka, kuna xigtay
duqeynta ugu dambeysay ee ka
dhacday Muqdisho Taariikhdii:
31/01/2010M.
(T) Caddeyn:
5. waxaan cadaynaynaa in
Bayaankii shalay ka soo baxay
shirkii Baydhabo ee lagu sheegay
in ay ku midoobeen Xarakada Al
shabaab iyo Raaskambooni:
• in uu ahaa XIZBIGA ISLAAMIGA
mid u ololeeya raadiyana
Midnimada Muslimiinta si guud
iyo si gaar ahba.
• in adraaftii soo dhistay
Xizbiga Islaamiga ay ku
heshiiyeen in ay san jirin wixii
ka dambeeyay 02/02/2009M wax
daraf ama guruub ah, lagana wada
tagay Magacyadii iyo Maamulkii
gaarka ahaa (Kambnooni, Maxaakim,
Jabiso, Caanoole) Ilaahay iyo
Umada horteeda (shirweynihii
Badhaadhe).
• In uu khilaafsanaa qaabka uu u
dhacay nidaamka Xizbiga ee ku
biirista ama la midoobidda Urur
kale.
• in ay san jirin cid kale oo ku
waafaqsan ku biiridaasi ee ka
tirsanaan jiray Mucaskarkii
Kamnooni oo ku milmay Xizbiga
Islaamiga, inta ku xusan
bayaanka heshiiska Baydhabo
mooyee.
• In laga saaray xubnihii ka
tirsanaa Xizbiga Islaamiga
afraadda ku biirtay Xarakada
Alshabaab magacyadooduna ku
xusnaayeen Bayaankii Baydhabo.
• In uusan sax ku ahayn
walaalnimadii Xarakada Alshabaab
iyo Xizbiga dhex taalay, taasoo
reebaysa Tashkiil iyo kala
furfurid midkood midka kale.
(J) Baaq:
6. Waxaa aad iyo aad uga
xunnahay dhibaatada lagu hayo
Umadda Soomaaliyeed iyo
duqeyntaan joogtada ah, waxaana
tacsi tiiraanyo leh u direynaa
Qoysaskii ku waxyooloobay
falalka cadowga sameynayo,
waxaana ugu baaqeynaa Umadda
Somaaliyeed guud ahaan:
• in ay u midoobaan Cadowgooda
ee gumaadka iyo duqeynta
joogtada ah ku haya.
• in ay ku bixiyaan jihaadka
socda naf iyo maal si ay u
badbaadsadaan Diintooda Naftooda,
iyo Maalkooda.
• in aysan ku kadsoomin
hadallada uu ku beer laxawsanayo
Cadowga gumaadaya, oo ay u
tashadaan sidii ay isugu
gargaari lahaayeen.
• in ay talo iyo tusaalo ka soo
bixiyaan xal u helidda
dhibaadada uu cadowgu ku hayo
diinta, dadka, iyo dalka.
(X) ugu dambeyn:
7. waxaan Allah weydiisanaynaa
in uu u gargaaro muslimiinta
meel kasta oo ay joogaaan Iyo in
uu naga qabto waxa ay maleegayaa
cadowgeena, uuna naga guul siiyo
وصلى
ﷲ وسلم على نبينا محمد وعلى آله
وصحبه
Gudoomiyaha xizbiga Islaamiga
Sh. Xasan Daahir Aweys
aa Aweysow
Amaa Adigu tahay cadawga
Islaamka, Is xisaabi intaan lagu
xisaabin!