War Deg Deg ah: Dab Xoogan oo Caawa ka kacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho iyo qayb kamid ah suuqaasi oo Basbeeshay.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 2 da Feberaayo, 2010.


Muuqaal aad u naxdin badan ayaa Caawa ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho kadib markii qarax aan la ogayn waxa uu yahay ka dhax qarxay qaybta shidaalka suuqaasi.

Dab aad u weyn ayaa Goordhaw ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho oo ay taal Malaayiin Dollar oo ah Hantida shacabka Soomaaliyeed.

Shabakadda Mudugnet.com ayaa Goordhaw ogaatay in Dab aad uxoogan uu ka kacay Bartamaha suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho gaar ahaan qaybta shidaalka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madfac kusoo dhacay suuqa uu sababay Dabkan Caawa gubay Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho, Abwaan Abshir Faarax Bacadle oo kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in dabkan uu sabab u yahay Zakadii oo ladiiyay.

"Dabka waa Musiibo laakin Reer Muqdisho maxaa bil walba oo Safar ah kusoo aadiya gubashada suuqa Bakaaraha, sababtu waa Zakadii oo ay Ganacsatadu bixin waayeen"ayuu yiri Abshir Bacadle.

Wixii kusoo kordha kala soco Mudugnet.com Muqdisho Somalia