Muqdisho, Talaado, 31ka August, 2010.


Soomaaliya iyo Yemen oo kala saxiixday Heshiis ganaacsiga Kaluunka.
 
Dowladaha Soomaaliya iyo Yemen ayaa kala saxiixday Heshiis Ganaacsiga kaluumaysiga ah ka dib wadahadalo magaalada Sanca ee dalka Yemen wasiirka kaluumaysiga soomaaliya Prof C/rahmaan Ibi kula yeeshay Madaxda dalka Yemen.
 
Heshiiskan ayaa ganaacsatada kaluunka soomaaliya u ogolaanaya in ganaacsigooda kaluunka ku baahiyaan Guud ahaan dalka Yemen,iyadoo ganaacsiga soomaalida loo samayn doono canshuur Dhaaf tan iyo nabad iyo xasilooni ah ka helayso soomaaliya.
 
Wasiirka kaluumaysiga ahna Kuxigeenka ra'iisulwasaaraha Dowladda KMG Prof C/rahmaan Xaaji Aaden Ibbi ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid ganaacsatadda kaluunka u iibgeysa dalka Yemen u sahlaaya in ganaacsigooda si xor ah oo la mid ah kan qofka u dhashay Dalka Yemen u geyn karaan gobol kasta oo ka tirsan dalka Yemen,iyadoo markii hore ganaacsatadda kaluunka soomaalida ay la kulmi jirtay dhibaato bara badan.
 
Dalka Yemen ayaa ganaacsi balaaran oo dhinaca kaluumaysiga ah la leh dalka soomaaliya,iyadoo ganaacsato badan oo soomaaliyeed ku xiran yihiin dhaqaalahooda kaluunka loo iibgeeyo dalka Yemen.


AMISOM oo qiratay in Askar looga laayay Magaalada Muqdisho iyo Xarakadda Alshebab oo sheegtay mas'uuliyada weerar Hoobiye ee lagu dilay Askar ka tirsan AMISOM.
 
Ciidamadda Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qirtay in Askar ka tirsan Ciidamada AMISOM lagu dilay weerar Hoobiye ah oo shalay lagu qaaday xarunta Villa somalia ee magaalada Muqdisho.
 
Afahayeenka AMISOM Bahuku ayaa warbaahinta u sheegay in 4 ka tirsan Ciidamada AMISOM ku geeriyoodeen 8 kalena ku dhaawacmeen Madfac Hoobiye ah oo ku soo dhaca Xarunta Villa-somalia maalintii shalay.
 
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in xiliga uu dhacay Weerarkaasi ciidamada AMISOM aysan wax dagaal ah ku lug lahayn balse madfacaasi uu ahaa mid xoogaga ka soo horjeeda ku soo weerareen Xarunta Villa-somalia.
 
Bahuku ayaa sheegay in Meydka Askarta ku geeriyootay weerarkii shalay loo duulin doono dalkii ay ka yimaadeen oo ah Uganada.
 
Xarakadda Alshebab ayaa sheegtay Mas'uliyadda Weerarkii Hoobiye ee lagu dilay askarta AMISOM maalintii shalay,Afhayeenka Alshebab Sheikh C/casiis Abuu Muscab ayaa warbaahinta u sheegay in tiro ka badan 10 askari oo ka tirsan AMISOM ku dileen weerarkii shalay qaar kalena ay ku dhaawaceen.


Hogaamiyaha Xisbul Islaam oo ka digay sii joogitaanka soomaaliya Ciidamada AMISOM.
 
Hogaamiyaha Xisbul islaam xasan Daahir Aweys oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka digay sii joogitaanka gudaha dalka soomaaliya ciidamada shisheeye ee AMSOM,isagoo ugu baaqay iney isaga baxaan Soomaaliya.
 
Xasan Daahir oo ku labisan dareeska Ciidamada gacanta ku heesta qori ayaa sheegay in xalka soomaaliya uusan ku jirin ciidamo shisheeye oo dalka jooga madaama dadka soomaaliyeed aysan wax rabitaan ah u haynin waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
Hogaamiyaha xisbul islaam ayaa dhinaca kale si kulul cambaareeyay Baaqii madaxweyne sharif maalintii shalay u jeediyay Beesha caalamka oo ku saabsanaa in loo soo gurmado Dowladda KMG oo khatarb ku haya xoogaga Islaamiyiinta.
 
Xasan Daahir ayaa ku Edeeyay Madaxweyne sharif inuu maray wadadii kuwa isaga ka horeeyay sida C/laahi Yuusuf isla markaana uu galay God mugdi ah sida uu hadalka u dhigay Xasan Daahir.
 
Xasan Daahir ayaa shirkiisa jaraa'id ku difaacay Burcad badeed ka qowleesta Biyaha soomaaliya iyo Gacanka cadmeed isagoo ku tilmaamay kuwa xeebaha Soomaaliya ka difaacaya Maraakiibta sida Sharci darida ah uga kaluumeesta Biyaha soomaaliya,waxa uu ku boriyay Burbadeedka iney sii laban laabaan Afduubka Maraakiibta.
 
hadalka Hogaamiyaha Xisbul islaam ayaa yimid maalin ka dib markii Madaxweyne Sharif ugu baaqay Beesha caalamka in lala soo gaaro taageero si dowladiisa ay isaga difaacdo Xoogaga islaamiyiinta ee doonaya iney ridaan Xukuumadda Caalamka aqoonsan yahay ee soomaaliya.


Dowladda Uganda oo sheegtay in 10kun oo askari u soo diri doonto dalka soomaaliya.
 
Dowladda Uganda ayaa sheegtay in dalka soomaaliya u soo diri doonto 10kun oo askari kuwaasoo ku biiri doona Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika soomaaliya ee AMISOM sida uu qoray wargeyska The Dayli Moniter ee ka soo baxa dalka Uganda.
 
General Aronda oo afhayeenka Ciidamada dalka Uganda ayaa sheegay in dowladda Uganda diyaarisay 10 kun oo askari isla markaana u diri doonto soomaaliya marka ay helaan dhamaan Agabka ay u baahn yihiin oo ay ka sugayaan dhinaca dalka mareykanka oo balan qaaday.
 
General Aronda ayaa sheegay ee Ciidamadan dheeraadka ah ku biiri doonaan kuwa jooga dalka soomaaliya si ay u la dagaalamaan una burburiyaan Xoogaga islaamiyiinta ee soomaaliya.
 
Yabooha Ciidamada Dheeraadka ee Dowlada Uganda ayaa ku soo beegmaya xili weeraro maalin ah la kulmayaan Ciidamada AMISOM oo 4kun oo ka mid ah ay ka yimaadeen dalka Uganda.


Dagaalo iyo duqeyn madaafiic oo maalintii 9aad ka socota qeybo ka mid ah magaalada muqdisho.
 
Dagaalo iyo duqeynta madaafiicda ayaa maalintii 9aad wax ay ka socotaa qeybo ka mid ah magaalada muqdisho,iyadoo Madaafiicda badan ay gaartay degmooyin aan wax dagaal ah ka jirin.
 
Dagaalo iyo Duqeynta madaafiicda maanta waxaa ku geeriyootay 7 ruux iyo dhaawaca 30 qof oo kale sida ay sheegeen saraakiisha gaadiidka Gurmadka Deg dega ah.
 
Madaafiic dhowr ah ku habsatay Degmooyinka Huriwaa,X/weyne iyo kuwa kale oo aan wax dagaal ah ka soconin,iyadoo madaafiicdaasi ay sababeen qasaare soo gaaray dadka rayidka ah.
 
Daryanka madaafiicda iyo rasaar Culus ayaa ilaa xalay waxaa laga maqlayay degaano ka tirsan gobolka Banaadir,iyadoo dadka muqdisho intooda badan xalay aysan ka hurdin sababo la xiriira Madaafiicda.
 
Dagaalo aad u culus xalay ka dhacay fasiin ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin xaruntii hore Jaalle siyaad ka dib markii xoogaga islaamiyiinta ee ka soo horjeeda Joogitaanka Ciidamada shisheeye weerar ku qaaday fariisinka Ciidamada Brundi ay halkaasi ku leeyihiin.
 
Dagaalka ayaa saameeyay Degaanada ku dhaw Xerada Jaalle Siyaad,iyadoo madaafiic badan ay ku dhacday xaafadda sonaKey,Isbitaalka Digfeer iyo goobo kale.
 
Dagaalaka maalintii 9aad ka socda caasimadda soomaaliya ee muqdisho ayaa galaaftay Nolosha in ka badan 150 qof oo rayid ah iyo dhaawaca 300 ruux oo kale, iyadoo dagaalada iminka ka socda Muqdisho Iclaamisay xarakaradda Alshebab.