Madaxweynaha G/mudug oo sheegay
in guul iyo is afgarad ku soo
dhamaaday booqashadii uu ku
tagay dhulka ismaamulka
Soomaalida Ethiopia.
Madaxweynaha
Galmudug State Cornel maxamed
Axmed caalin oo dib ugu soo
labtay maanta magaalada G/kacyo
ee xarunta Gobolka Mudug ka dib
booqosho qaadatay 3 isbuuc uu ku
tagay Dhulka ismaamulka
Soomaalida Ethiopia ayaa sheegay
in wada hadaladii iyo Kulamadii
uu la soo yeeshay madaxda
Dowladda Ethiopia ay ku soo
dhamaadeen Guul iyo Is Afgarad.
Cornel Caalin ayaa sheegay in
wahadalada dhexmaray madaxda
Galmudug iyo maamulka Soomalida
Ethiopia ku saabsanaa iskaashiga
dhinaca Amaanka labada dhinaca
iyo sidii la isaga kaashan lahaa
xoojinta xiriirka iyo Amniga.
"Guul iyo Is afgard wanaagsan
ayuu ku soo dhamaday booqoshadii
aanu ku tagnay dhulka ismamulka
Soomaalida Ethiopia ayuu yiri
Cornel Caalin.
Safarka madaxweyanaha Galmudug
uu ku tagay dhulka ismamulka
Ethiopia waxaa ku wehliyay qaar
ka tirsan wasiiradda maamulka
iyo saraakiisha Ciidamadda,
iyadoo safarkana uu yahay kii
ugu horeeyay madax ka socota
maamulka Galmudug ay ku tagaan
dhulka ismaamulka soomaalida
Ethiopia tan iyo markii
mamulkasi looga dhawaaqay
gobolada dhexe ee dalka
soomaaliya.
Dhinaca kale madaxweyanaha G/mudug
State ayaa sheegay in maanka G/mudug
ka jira uu yahay Mid la isku
halayn karo marka laga reebo
waxyabo yar yar oo falal amaan
dari ah ka dhaca magaalada.
Mr Caalin ayaa ku edeeyay
falalka amaan darida ah ee ka
dhaca magaalada G/kacyo maamulka
Puntland ee waqooyiga magaalada
oo ka gabiyay iskaashi dhinaca
amaank ah oo laga sameeyo
magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale
Shacabka ku nool dhulka
ismaamulka Soomaalida Ethiopia
ayaa si diiran u soo dhaweeyay
Madaxweynaha GalMudug iyagoo ka
mahad celiyay sida
walaaltinimada iyo
Soomaalinimada leh ee ay ugu
noolaadaan deegaanada GalMudug
mararka ay u yimaadaan Daaweynta
Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo
dhanka GalMudug oo sanadooyinkii
u shaqeynayay u fidinayay howlo
samafal ah sida Indha fiiqista
uu Gacan weyn ka geysto Dr
Cabdirisaaq Dalmar, Daaweynta
cudurad Qaaxada uu gacan weyn ka
geystaan Dr Shiikhdoon iyo Dr.
Maxamed Amiin iyo Dhaqaatiir
badan oo ka howl gala
Isbitaalada Magaala madaxda
Qaranka Muqdisho.
Dagaalo
iyo duqayymo aad culus oo
maalintii 8aad ka socda
caasimada Soomaaliya ee
Muqdisho.
Dagaalo iyo duqeymo u
dhaxeeya Ciidamada Dowladda oo
taageero ka helaaya kuwa AMISOM
iyo Xoogaga islaamiyiinta ee ka
soo horjeed ayaa maalintii 8aad
waxa uu ka dhacay degmooyin ka
tirsan Gobolka Banaadir.
Dagaalada ad u culus ayaa
waabarigii saakay ka qarxay
Degmada Boodneere halkaasoo ay
isku fara saareen Ciidamada
AMISOM iyo Kuwa xarakadda
Alshebab,iyadoo hubka iyo
madaafiicda la isku ridaayay
gaartay Degano ka baxan goobaha
dagaalka.
ilaa iyo iminka lama oga
qasaaraha rasmiga ah ee ka
dhashay dagaalkaasi ka dhacay
degmadda Boondheere iyo tiradda
daka ku dhintay.
Sidoo kale waxaa dagaalo goos
goos ah ka dhaceen isgooyska
wadada isku xirta dabka iyo
Suuqa bakaaraha,waxaana qeybo ka
mid ah suuqa ku dhacay Dhowr
madfac sida Suuqa dahabka
bakaaraha.
Tiradda dadka rayidka ah ee ku
dhintay dagaalada maanta ka
dhacay magaalada muqdisho ayaa
lagu sheegay 6 ruux iyo dhaawaca
16 kale sida ay xaqiijiyeen
sarakiisha gaadiidka Gurmadka
deg'dega.
Dagaalada ka socda magaalada
Muqdisho oo maalintii 8aad galay
ayaa waxaa ku geeriyootay tiro
ka badan 150 qof iyo dhaawaca ku
dhawaad 300 oo qof.
Xarakadda
Alshebab oo ka hadashay
dagaalada maalinmtii 8aad ka
socda magaalada muqdisho.
Xarakadda Alshebab ayaa ka
hadlay dagaalada maalintii 8aad
ka socda caasimadda dalka
soomaaliya ee Muqdisho ka dib
shir jaraa'id uu qabtay
Afhayeenka xarakadda.
Sheikh C.casiis Abuu Muscab oo
la hadlayaay saxaafadda muqdisho
ayaa guulo ka sheegtay
dagaaladii saakay ka dhacay
Boondheere,isagoo tilmaamay in
dagaalkaasi uu ahaa mid ay ku
soo qaadeen Ciidamada AMISOM .
Afhayeenka Xarakadda ayaa xusay
iney jabiyeen oo qasaare badan u
geesteen Ciidamadii AMISOM ee
soo weeraray waabarigii saakay
isla markaana dib ugu celiyeen
goobihii ay ka soo duuleen.
Afhayeenka waxa kaloo uu
beeniyay sheegashada dowladda
KMG iney mar kale dib ula
wareegtay xaafadda Siigaalle.
Sheikh C/casiis Abuu Muscab oo
saxafiyiinta kula hadlaayay
Mowlaca Macalin Nuur ayaa been
aan sal lahayn ku tilmaamay
hadalka ka soo yeeray Afhayeenka
Booliska dowladda C/laahi Xasan
Bariise oo sheegay in Ciidamada
dowladda ay dib ula wareegeen
fasinkii ay ku lahaayeen
xaafadda Siigaalle ee degmada
Hodon halkasi ciidamada
Xarakadda Alshebab kala
wareegeen ciidamada Ahlu-sunah.
Warsaaxafadeedka maanta ka soo
baxay Xafiiska Madaxweynaha
dowladda KMG Soomaaliya Sheikh
Sharif oo baaq loogu jeediyay
Beesha caalamka.
Iyada oo maanka lagu hayo
weerarkii isqarxinta ee lala
eegtay Hotel Muna 24-kii August
2010, oo galaafatay nolosha dad
Soomaaliyeed oo rayid ah oo
gaaraya 30 qof, oo ay ku jiraan
afar xildhibaan.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka
KMG Sheikh Shariif Sheikh Axmed,
ayaa cusbooneysiiyay dalabkiisa
ku aaddanaa in indhaha Beesha
Caalamka lagu soo jeediyo
arrimaha Soomaaliya, maadaama
xagjirka Alshabaab ay u
dhar-dhigteen ololahooda
argagaxisonimo. "Sax ma aha in
Soomaaliya kaligeed lagu daayo
ka hortagga Alshabaab iyo
Alqaacida oo jaalkood ah,
maadaama Soomaaliya ay imanka
uun kasoo baxayso 20 sano oo
burbur, qas iyo jahawareer
siyaasadeed ah." Ayuu ku yiri
Madaxweyne Sheekh Shariif war
murtiyeedkiisa.
Marka la eego weerarkii is-qarxinta
ee July 11-keedii lala eegtay
Kampala, iyo weerarkii Mogadishu
ee Alshabaab iyo saaxiibadood ay
abaabuleen, waxaa muuqata in
argagaxisadu ay qorshaysteen in
ay carqalad iyo xasilooni la’aan
ku camimaan gobolka Geeska
Afrika oo dhan iyo ka fogba.
"Dowladda Soomaaliya, waxa ka
go’an, dib-u-yag-leelka sharciga
iyo kala-dambeynta Muqdisho, iyo
in ay gaashaanka u daruurto
Alshabaab iyo kuwa taageera ee
wata afkaaraha nidaam-diidka ee
ku xiran xagjirnimada oo ay
fidiniyaan, ayuu yiri Madaxweyne
Shariif Sheikh Axmed. "Inkastoo
ay jiraan culeysyadaas, waa
inaynaan waligeen illoobin in
guushu ay u baahan tahay
istaraatijiyad iyo u
dhabar-adayga hawsha." ayuu yiri
Madaxweynuhu.
Hase yeeshee, in si dhaba looga
hortago argagaxisda, dowladda
waxa ay u baahan tahay kaalmada
bulshada caalamka.
Sida ay qirtay dowladda Mareykan
dhawaan, Alqaacidada ku sugan
carriga Carabta ee ay xuddun
tahay waddanka jaarka inala ah
ee Yaman ayaa ka khatar badan ta
ku sugan Bartamaha Pakistaan.
Iyada oo ay jirto xaqiiqda ah in
Pakistan, sida Afghanistan iyo
Ciraaq oo la ildaran tumaatida
argagaxisada, ayaa waxay helaan
taageero wax ku ool ah marka
laga hadlaayo dhinaca dhaqaalaha,
lojistikada iyo qalabka
militariba.
Dowladda Soomaaliyeed ma haysato
taageero la mid ah ama u dhaw
taa, mana laha ilaha dhaqaalaha
dowladahaas leeyihiin oo kale.
Isla markaasna, "dowladda
Soomaaliyeed ayaa waxay
wajahaysaa cadow la mid ah,
waaba haddii uusan ka khatar
badnayn." Ayuu Madaxweynuhu
xusay.
Iyada oo ay jirto xaqiiqda ah in
ilaha dhaqaale yaryihiin ayay
ciidamada dowladda Fedraalka KM
ahi ku mintideen difaacidda
meelaha halbawlaha u ah dowladda,
kana go’antahay inay jabiyaan
Alshabaab. "Maadaama kooxa
nabad-diidka ahi ay wadaan
khatar isaga gudbaysa xuduudaha
ayay dowladda Soomaaliya mar
kale ku celinaysaa dalabka ah in
lala soo gaaro taageero caalami
ah" ayuu yiri Madaxweynaha.
Ciidamada
Ethiopia oo dhaqdhaqaaq ciidan
ka wada Xuduuda Gobolka Hiiraan.
Ciidamada Ethiopia ee ku sugan
Xuduuda gobolka hiiraan ayaa la
sheegay in ay dhaqdhaqaaq ciidan
malintii 3aad ay ka wadaan
halkaasi.
Ciidamo Ethiopian oo ku hubaysan
gaadiidka dagaalka ayaa 3dii
cisho ee la soo dhaafay yimid
degaanka kala Beerka oo 25km
dhinaca koofur kaga beegan
Magaalada B/weyne ee xarunta
Gobolka Hiiraan.
Dadka degaanka ayaa sheegay in
ciidamada Ethiopia ay yimadeen
kala Beerka dibna uga laabteen
mudo sedex jeer ah, iyadoo aan
la ogayn sababtay keentay iney
ka soo talabaan xuduuda iyadoo
wararka qaar ay sheegayaan in
Ciidamada Ethiopia ee ka soo
talabay xadka ay wehliyeen
ciidamo ka tirsan maamulkii laga
Eryay Gobolka ee Dowlada KMG.
Dhawaan ayaa wasiir ka tirsan
Dowladda Ethiopia sheegay in
Ethiopia qorshaha ugu jirin iney
ciidamo u soo dirto dalka
soomaaliya, balse ay jiran
Howlgalo Ciidamada Ethiopia ay
ku sugayaan amaanka xuduuda ay
la wadaagto Soomaaliya.
Golaha
wasiiradda Dowladda KMG oo
meelmariyay Xeerka Ciqaabta
Burcadbadeedka ka dib kulan ay
maanta ku yeesheen Muqdisho.
Golaha wasiiradda Dowladda
KMG ee soomaaliya ayaa maanta
magaalada muqdisho ku yeeshay
kulan looga hadlaayay Xeerka
Ciqaabta Burcad badeedka
soomaalida iyo Hoy loo sameeyo
Xildhibaanadda Dowlada KMG ka
dib weerarkii Hotel MUNA.
la Taliyaha raii'sulwasaaraha
dhinaca saxaafadda Cabdi xaaji
Goobdoon oo saxaafadda la
hadlayay ka dib shirka golaha
wasiiradda ayaa sheegay in
golaha wasiiradda meel mariyeen
laboqodob oo kala ah Xeerka
Ciqaabta Burcadbadeedka iyo Hoy
(Guri) loo sameeyo
xildhibaanadda baarlamanka
soomaaliya ka dib weerarkii
dhawan lagu dilay 4 ka tirsan
Xildhibaanadda Dowladda KMG .