Muqdisho, Axad, 28ka August, 2010.


Dagaalo goos goos oo maanta ka dhacay isgooyska Dabka iyo wadada Suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
 
Iyadoo maalintii 7aad magaalada muqdisho ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda oo taageero ka helaya Kuwa AMISOM iyo Xoogaga islaamiyiinta ee ka soo horjeeda ayaa dagaalo Goos goos waxa ay ka dhaceen maanta wadada u dhaxaysa Isgooyska Dabka iyo Suuqa bakaaraha.
 
Rasaasta Culsu iyo madaafiic goos goos ah ayaa laga maqlayay goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamada Dowladda iyo Xoogaga ka soo horjeeda,iyadoo tiro madaafiic ah la sheegay iney ku habsadeen Suuqa bakaaraha oo howlihii ganaacsiga dib uga bilwoday.
 
lama oga ilaa iyo hada qasaaraha ka dhashay Madaafiicda ku habsatay Suqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
 
Dagaalka maalintii 7aad ka socda Muqdisho ayaa sababay dhimashada in ka badan 100 ruux iyo dhaawaca in ka badan 200 qof.
 
Dagaaladan ayaa sidoo kale sababay boqolaal shacab ah iney ka cararaan guryahooda ka dib markii ay saameeyeen dagaalada,iyadoo kooxaha iska soo horjeeda iska dhaga tiray baaqyadda lagu dalbanaayo joojinta Colaada Muqdisho.
 
Dhinacayada isku haaya muqdisho ayaa guulo ka sheegtay Dagaalada ka socda,iyadoo aysan jirin cid u naxaysa dhibaatadda soo gaarto shacabka soomaaliyeed.


Maamulka G/mudug oo ugu baaqay kooxaha ku dagaalamaya xamar iney si shuruud la'aan ah u joojiyaan dagaalka.
 
Wasiir kuxigeenka warfaafinta ahana Afhayeenka maamulka G/mudug State Axmed Baasto ayaa ugu baaqay Kooxaha ku dagaalamaya Magaalada muqdisho iney si shuruud la'aan ah u joojiyaan xabada,isla markaana Xushmeeyaan Bisha barakeysan ee Ramadaan.
 
Axmed Baasto oo saxaafadda muqdisho la hadlaayay ayaa sheegay in dhinacyadda dagaalamaya ay looga baahan yahay iney u naxariistaa shacabka maadaam cidii doonaysa Xukun lagama maarmaan tahay iney heestaan shacab ay xukumaan.
 
Baaqa ka soo yeeray maamulka G/mudug ayaa ka mid noqonaya baaqyada nabadeed ee loo jeedinaayo dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho.


Maamulka Ahlu-sunah oo ka hadlay Dagaalada ay kula jiraan Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda KMG.
 
Afhayeenka Guud ee maamulka Ahlu-sunah Sheikh C/laahi Yuusuf Abuu qaadi ayaa ka hadlay dagaalada Ciidamo ka tirsan Ahlu-sunah ay kula jiraan Xoogaga islaamiyiinta ee ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya oo maalintii 7aad ka socday qeybo ka tirsan Gobolka Banaadir.
 
Alqaadi ayaa sheegay in sababaha Ciidamadooda ay uga baxeen fariisinkii ay ku lahaayeen xaafadda Siigaalle ee degmada Hodon Xeelad dagaal,balse aysan jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhexgalay ahlu-sunah iyo dowladda KMG.
 
Afhayeenka ayaa ka gaabsaday halka ay ku dambeeyaan Ciidamada Ahlu-sunah ee ka baxay xaafadda Siigaalle.
 
Hadalka Afhayeenka ahlusunah ayaa yimid maalin ka dib markii Ciidamo ka tirsan Xarakadda Alshebab ay ka wareegeen fariisin Ciidamada Ahulu-sunah ay ku lahaayeen Mowlaca macalin Nuur ee xaafadda siigaalle.


Dr C/qaasin Salaad Xasan oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.
 
Madaxweynihii Dowladii Carta Dr C/qaasin salaad Xasan ayaa ku baaqay in si dge deg ah loo joojiyo Dagaalada maalintii 7aad ka socda caasimada dalka soomaaliya ee Muqdisho.
 
Dr C/qaasin oo shir jaraa'id ku qabtay maanta magaalada Muqdisho ayaa dagaalada xamar ku tilmaamay waxa ka dhacaya Muqdisho Xasuuq lagu kacaayo shacabka aan waxba galabsan,isla markaanan xaalada muqdisho ay iminka marayso Meeshii ugu xumayd ee taariikhda.
 
Dr C/qaasim salaad xasan ayaa sheegay in dad badan oo rayid ah lagu qasbay iney ka cararaan oo ay iminka dhibaato ku heysato gobolada kala duwan ee dalka halka kuwii hore looga barakiciyay guryahooda qaxooti ku yihiin dowladaha dariska iyo kuwa kale ee caalamka.
 
Baaqa ka soo yeeray Dr C/qaasim salaad xasan Madaxweynihii TFG-dii carta ayaa ku soo beegmaya xili maalintii 7aad magaalada Muqdisho ay ku dagaalamayaan Xoogaga islaamiyiinta iyo dowladda KMG oo taageero ka helaaya ciidamada AMISOM.


Ciidamada ilaalada Badda Miwoga Yurub oo fashiliyay Isku day Kooxo Burcad badeed ah ku doonayeen iney ku afduubtaan Markab laga leeyahay Dalka Panama.
 
Ciidamada Dallka Denmark oo ka mid ah Ciidamada la dagaalanka Burcada badda soomaaliya ayaa fashiliyay isku day kooxo Burcad ah ay ku doonaayeen iney ku afduubtaan Markab laga leeyahay dalka Panama xili markabka maraayay gacanka Cadmeed.
 
Hadal ay soo saareen Howlgalka Midowga Yurub Xeebaha soomaaliya ayaa lagu sheegay in kooxaha Bucad Badeedka isku dayeen iney afduubtaan Markabka balse weerarkaasi ay fashiliyeen Diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Denmark ka dib markii qeylo dhaan ay ka heleen Shaqaalaha Markabka Afduubka ka badbaaday.
 
9 ka tirsan Kooxaha Burcadbadeedka ayaa la sheegay iney qabteen Ciidamada Denmark balse goordambe ay siidaayeen ka dib markii baaritaan lagu sameeyay.
 
Sidoo kale warka ka soo baxay Ciidamada ilaalada Biyaha soomaaliya ee Midowga Yururb ayaa lagu sheegay in la fashiliyay weerar kooxo burcad badeed ah ku qaadeen markab laga leeyahay dalka Norwey meel ka baxsan Biyaha dalka soomaaliya.
 
Weerarada Kooxaha burcadbadeedka ah ayaa dhacaya iyadoo Maraakiibta dagaalka Dowladaha Reer galbeedka ku sugan yihiin Xeebaha dalka soomaaliya kuwaasoo sheegay iney ilaaliyaan Maraakiita isticmaasha Biya Soomaaliya,waxaana gacanta Burcada iminka ku jira Maraakiib badan iyo shaqaalahooda.


Maamulka xarakadda Alshebab ee Gobolka Geddo oo Gubay Tubaako Baalbaal.
 
maamulka Xarakadda Alshebab degmada baardheere ee Gobolka Geddo ayaa maanta Meel fagaare ah ku gubay baabuur Tubaako Baalbaal ah oo ay lahaayeen ganaacsato degaanka ka soo jeeda.
 
Gaariga tubaakada ee maanta ay gubeen xarakada Alshebab ayaa la sheegay inuu ku soo jeeday magaalada Muqdisho xilii ay howlgalka ku soo qabanayeen Ciidamada maamulka Xarakadda ee baardheere.
 
Gudoomiyaha degmada maamulka xarakadda alshebab Sheikh Maxamed Nuur Sooyaal ayaa sheegay in maamulka Xarakadda baardheere 3 bilood ka hor mamnuucay ganacsiga Tubaakada,tubaakada maanta dabka la qabad siiyay ay leeyihiin ganacsato ka dhaga adeegta amarkii horey u soo saaray maamulka.
 
Maamulka xarakada ayaa tilmaamay in dadkii lahaa Tubaakadaasi la horkeeni doono Shareecadda islaamka si loogu qaado dambiga ay galeen


Dagaalo Mar kale ka soo cusboonaaday Degaanadda Camaara iyo bacaadweyne oo ka tirsan Gobolka Mudug iyo baaqyo nabadeed oo loo jeediyay Beelaha halkaasi ku dagaalmaya.
 
Waxaa mar kale dagaalo dib uga qarxay degaanadda Camaara iyo Bacaadweyne oo ka tirsan Gobolka Mudug halkaasoo ay ku dagaalamayaan Beelo wado dego.
 
in ka badan 10 ruux ayaa ku geeriyootay dagaalo culus oo halkaasi ka dhacay shalay galinkii dambe,iyadoo dadka ku dhaawacmay intooda badan la gaarsiiyay goobaha caafimaadka magaaladda G/kacyo.
 
Odayaasha dhaqanka Beelaha hawiye ayaa ugu baaqay Beelaha ku dagalamaya Bacaadweyne iyo camaare in si deg deg ah u joojiyaan dagaalka wixii khilaaf ah ee jirana lagu xaliyo wada xaajood.
Gudoomiyaha Golaha dhaqanka Beelaha hawiy maxamed xasan Xaad ayaa sheegay in dagaalada ka socda camaare iyo bacaadweyne yihiin kuwa natiijo lahayn isla markaana loo baahan yahay in la joojiyo.
 
Beelaha isku haaya Bacaadweyne iyo camaare ayaa dhowr jeer oo horay ugu dagaalamay degaanadaasi,iyadoo dagaalkana salka ku haayo Dhulka labada beelood ay wadaagaan.