Muqdisho, Sabti, 28ka August, 2010.


Dagaalo aad u culus oo maalintii 6aad ku dhexmaraya Muqdisho Ciidamada Dowladda Iyo Xoogaga ka soo horjeeda.
 
Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG oo taageero ka helaya ciidamada AMISOM iyo xoogaga ka soo horjeeda Dowladda ayaa maalintii 6aad ka socda caasimadda dalka soomaaliya ee Muqdisho,iiyadoo dagaalka saamayn ku yeeshay wadooyinka Muhim ah ee magaalada.
 
dagaalalo xoogan ayaa maanta ka dhacay Degmooyinka Hodon iyo H/wadaag kuwaasoo sababay dhimashada 5 ruux iyo dhaawaca 10 kale sida ay sheegeen saraakiisha gaadiidka Gurmadka.
Dadka dhaawac ah ayaa la dhigay Isbitaalada Madiina iyo Dayniille sida uu sheegay Cali Muuse oo ah madaxa gaadiidka guemadka deg deg ah.
 
Dagaaladan oo la isku adeegsaday Hubka Culus iyo Madaafiic ayaa saamayn ku yeeshay isku socodka gaadiidka wadooyinka Muhim ah ee magaalada sida wadada isku xirta Isgoyska Dabka iyo bakaaraha oo ay xireen Taangiyadda Ciidamada AMISOM iyo Xoogaga ka soo horjeeda.
 
Dadka shacabka ayaa intooda badan ka qaxay guryahooda ku yaala Goobaha lagu dagaalamayo iyadoo dadka ka qaxay muqdisho qaarkood ay gaareen Magaalooyinka jawhar iyo Afgooye oo ka kala tirsan Shabeelaha Hoose iyo shabeelaha dhexe.
 
dhinacyada isku haaya Muqdisho ayaa guulo ka sheegta dagaalada aad u qaraar ee maalintii 6aad ka socda magaalada Muqdisho.


Xarakadda Alshebab oo soo bandhigtay goobihii ay ka qabsadeen ciidamada Ahlu-sunah iyo Kuwa dowladda.
 
Xarakadda alshebab oo maalintii 6aad magaalada Muqdisho kula dagaalamaysa Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigay goobihii shalay ay kala wareegeen Ciidamada Ahu-sunah ka dib dagaalo qaraar oo shalay galinkii dambe degmada Hodon ku dhexmaray.
 
Gudoomiyaha Gobolka banaadir Xarakadda Alshebab sheikh cali dheere ayaa maanta koox wariyaal ah Geeyay fariiimadii ay kala wareegeen Ahlu-sunah iyo Dowladda oo ku yaala xaafadda Siigaalle ee degmada Hodon.
 
Sheikh Cali dheere oo saaxafada kula hadlayay Mowlaca Macalin Nuuro ayaa sheegay guulo ay ka gareen dagaalkii shalay galinkii dambe dhacay kuna qabsadeen fariisimo ay joogeen dhinaca kale ee ka soo horjeeda.
 
 
Xarakada Alshebab ayaa shalay galinkii dambe dagaal qaraar ku qabsaday fariisimo ciidamada Ahlu-sunah iyo kuwa dowladda ay ku lahaayeen degmada Hodon.


Ganaacsiga Suuqa bakaaraaha oo maanta dib u bilowday ka dib saamayntii dagaalada ka socda magaalada muqdisho.
 
Dhaqdhaqaaq ganaacsi ayaa maanta dib uga billowda Suuqa ugu weyn koonfurta Dalka soomaaliya oo saameeyay dagaalada maalintii 6aad ka socda caasimadda soomaliya ee Muqdisho.
Qaar ka tirsan ganaacsatada Suuqa ayaa saakay ku dhiiratay iney dib u furaan goobahooda ganaacsiga oo 5tii cisho ee la dhaafay ku xirmay dagaalada.
 
Ganaacsiga dib u furmay ayaa ka mid ah suuqa dharka,kabaha iyo Suuqa sarifka Doolarka,in kastoo ay wali xiran qeybo kale oo suuqa ka mid ah.
 
Ganaacsatada ayaa sheegay in maanta ka ay ka duwan tahay maalmihii la soo dhaafay taasina ay suurta galisay dib u bilaabida howlahooda ganaacsi,in kastoo ay wali xiran yihiin wadooyinka soo gala suuqa,iyadoo dadka ay isticmaalayaan wadooyin wareeg ah oo aad u dhib badan.
 
Suuqa bakaaraha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa saamayn ku yeeshay dagaalada iyo madaafiicda Ciidamada AMISOM ayku ridaan goobaha rayidka.


Maleeshiyooyin ka wada tirsan Dowladda KMG oo ku dagaalamay magaalada Muqdisho.
 
maleeshiyooyin ka wada tirsan Dowladda KMG ayaa saakay ku dagaalamay degmada X/jab jab ee gobolka banaadir ka dib markii maleeshiyo ku labisan Labiska Dharka askarta Dowlada ay dhac iyo boob ka geesteen degmada X/jabjab.
 
Maleeshiyo lagu magacaabo madani iyo maleeshiyadii ku labisneed Dharka Askarta Dowladda ayaa iska horimaad ku dhexmaray Degmada sida uu sheegay gudoomiyaha Degmada X/jabjab C/baasid Maxamed xasan.
 
labo qof oo mid yahay maleeshiyadda Madaniga ee Degmada X/jabjab ayaa ku dhaawacmay iyo Qof kale ryid ah.
 
Gudoomiyaha Degmada C/Baasid ayaa sheegay in ciidamada Degmada X/jabjab la dagaalami doonaan cid ka sta oo ku soo xadgudubta degmada oo falal amni dari ah ka abuurta.
 
degmooyinka ay maamusha dowladda KMG ayaa shacabka ku nool waxa ay qadyaan ka joogaan Ciidamada dowladda oo falal Dhac iyo boob ah ku haaya shacabka,iyadoo aysan jirin cid dhan ah wax ka qabaneysa dhibaatooyinka lagu haayo shacabka.


Ethiopia oo sheegtay in aysan Ciidamadeeda soo faragalin doonin dalka Soomaaliya xili Ciidamadda Ethiopia dhaqdhaqaaq Ciidan ay ka wadaan Xuduudaha ay ka wadaagto soomaaliya.
 
Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in Xiligaan aysan diyaar u aheeyn in ay faragaliso xaaladda gudaha dalka Soomaaliya oo ay haatan ka socdaan dagaalo culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, kuwa Midowga Afrika iyo Al Shabaab.
 
Wasiirka isgaarsiinta Ethiopia Barakaad Simon oo ah oo la hadlayay wakaalada wararka u faafisa dalka Ethiopia ayaa sheegay in Ethiopia aysan u qorsheysneeyn in xiligaan ay faragaliso Xaalada dalka Soomaaliya ama ay keento Soomaaliya ciidamo ka socda Ethiopia.
 
Wasiirka ayaa sheegay in Maalmihii la soo dhaafay kun askari oo ka tirsan ciidamada Ethiopia ay dhaq dhaqaaqyo lagu sugayo amaanka ay ka sameeyeen Xaduud Soomaaliya iyo Ethiopia isagoo intaasi ku daray in markii ay howlgaldooda sameeyeen ay dib ugu soo laabteen gudaha dalka Ethiopia.
 
Barakaad Simon ayaa ku cel celiyay in ciidamada Ethiopia marna aysan soo gali doonin gudaha dalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in qorshaha Ethiopia uusan ku jirin in ciidamo mar kale ay uu soo dirto gudaha dalka Soomaaliya.
 
Warka ka soo baxay Ethiopia ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii la soo dhaafay ciidamo Ethiopian dhaq dhaqdhaqaaqyo ay ka sameeyeen Xadka gobolka Hiiraan uu la waadaago Ethiopia.