Warbixin
ku saabsan Qasaaraha ka dhashay
dagaalada ka socda Magaalada
Muqdisho maalintii labaad.
Qasaaraha ka dhashay
dagaalada iyo madaafiicda
maalintii labaad ka socota
magaalada Muqdisho ayaa sii
korortay iyadoo tirada
dhimashada dadka rayidka ah ay
gaartay in ka badan 50 qof halka
dhaawaca lagu qiyaasay 150 qof
24saac ee la soo dhaafay.
Goobaha caafimaadka magaalada
Muqdisho ayaa buux dhaafiyay
dadka ku soo dhaawacmay
dagaalada aadka u culsu ee
maalintii labaad ka socda
caasimadda.
Saraakiisha caafimaadka
Isbitaalka Madiina ayaa sheegay
in Isbitaalka la soo gaarsiiyay
tiro ka badan 100 qof oo dhaawac
ah sacadihii la dhaafay,waxaana
jira dad isbitaalka ugu
geeriyooday dhaawacyadii soo
gaaray.
Dagaalada ayaa xoogooda maanta
waxa ay ka dhaceen Degmooyinka
Hodon iyo Howlwadaag ka dib
markii waabarigii saakay weerar
ku soo qaadeen fariisimada
Ciidamada Dowlada iyo kuwa
Ahlu-sunah Xoogaga Mucaaradka.
Sidoo kale goobaha dagaalada ka
dhaceen maanta waxaa ka mid ah
Degmooyinka Waqooyi ee
Boondheere iyo Shibis, waxaana
goobaha raidka ku dhacay
madaafiida labada dhinaca isku
adeegsadeen.
Dagaalada ayaa hakad galiyay
dhamaan ganacsigii suuqa ugu
weyn ee bakaaraha,iyadoo suuqa
ay ku dhaceen madaafiic aad u
tiro badan sida ay dad ku
go'doomay suuqa oo ka soo bixi
wayay madaafiicda dhacaysa
awgeed.
Ururka Xisbul Islaam oo qeyb ka
ah Dhinacyadda ku dagaalamaya
Muqdisho ayaa guulo ka sheegtay
Dagaalada maanta dhacay.
Afhayeen u hadlay Xibul -Islaam
oo lagu magacaabo Maxamed
Cismaan Caruus ayaa sheegay in
dagaalkii maanta ay ku dileen
tiro ka tirsan Askarta AMISOM
iyo kuwa ka tirsan Dowladda KMG
Dagaalo ka dhacay Degmooyinka H/wadaag
iyo Hodon, isla markaana ay ku
gubeen baabuur Tikniko ah oo ay
lahaayeen Ciidamada Dowladda.
Sidoo kale Afhayeenka AMISOM
Barajiye Bahuku oo ka hadlay
dagaalka maanta ayaa sheegay in
Colaada ka jirta magaalada
muqdisho ay Huriyeen Dhalinyaro
labadii cisho ee ugu dambaysay
laga Keenay Goboladda Bay iyo
Bakol,isla markaana dagaaladan
ay yihiin rabshado yar oo aan
saamayn badan ku yeelanin
Ciidamada AMISOM.
Sheikh
Sharif Cambaareeyay Weerarka
lagu dilay Xildhibaanadda
baarlamanka.
Madaxweynaha Dowladda KMG Sharif
Sheikh Axmed ayaa cambaareeyay
qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee
lagu Dilay xubno ka tirsan
Xildhibaanadda baarlamanka
Soomaaliya ee ka dhacay Hotel
MUNA oo ku yaala Degmada X/weyne
ee Gobolka banaadir.
Sheikh Sharif ayaa weerarkaasi
ku tilmaamay Fal Waxashnimo ah
oo lagula kacay Umad Muslim ah
oo aan wax galabsan oo
guryahooda ku jiray xiligii
qaraxa lala Hotelkaasi.
Madaxweyne Sharif ayaa Tacsi u
diray dhamaan Eheladii ay ka
geeriyoodeen Xildhibaanadii lagu
qarxiyay weerarka ka dhacay
Hotel MUNA,isagoo tilmaamay in
weerarkaasi uu yahay mid gabi
ahaanba albaabada u xiraaya
wadahadalo Xoogaga Mucaaradka.
Sharif Sheikh Axmed ayaa ugu
baaqay Ciidamada Dowladda iney
galaan Heegan si ay uga
hortagaan kuwa Dulaanka ku ah
qaran-nimadda Soomaaliya sida uu
hadalka U dhigay.
Hadalka Madaxweyne Shariif ayaa
yimid saacado ka dib markii
qaraxyo Ismiidaamin ah loo agu
laayay xubno ka tirsan Golaha
Baarlamanka Soomaaliya.
Agaasimihii Idaacadda XURMO oo
ku geeriyooday Magaalada
Muqdisho.
Barqad Cawaalle Aaden oo
ahaa Agaasimihii Idaacadda Xurmo
oo ka mid ah idaacadaha ka
howlgala Magaalada Muqdisho ayaa
ku geeriyooday Isbitaalka
Madiina ka dib markii uu dhaawac
ka soo gaaray dagaladii saakay
ka socday magaalada Muqdisho.
Marxuumka ayaa xabad Habow ah (Wiifto)
kaga dhacday Caloosha xili uu
saarnaa dabaqa Sare ee Idaacada
oo uu ka waday Howlo lagu
dayactiyaayay Anteenadda
Idaacadda.
Barqad Cawaalle Aden ayaa
saxaafadda Soomaaliya ku soo
dhex jiray mudo ka badan 30sano,
isagoo ka soo shaqeeyay
Idaacadii iyo Taleefishinkii
Qaranka soomaaliya.
Inaa lilaah wa inaa ilayhi
raajicuun.
Tacsi.
Dhamaan suxufiyiinta ka
howlgasha xafiiska wararka
MUDUGNET Muqdisho iyagoo ka
tiiraayaysan waxa ay tacsi u
dirayaan Ehelada iyo Asxaabtii
uu ka geeriyooday Allaha u
Naxariisteen Marxuum Barqad
Cawaalle Aaden, Janadii fardowsa
Allaha ka waraabiyo Amiin.
Mudugnet-News
Xarakadda
Alshebab oo sheegtay
Mas'uuliyadda Qaraxyadii ka
dhacay Hotel MUNA.
Xarakadda Alshebab ayaa
sheegtay Mas'uuliyadda
qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee
lagu laayay Hotel MUNA oo ku
yaala Degmada X/weyne ee Gobolka
Banaadir.
Afhayeeka Xarakadda Alshebab
Cali Dheere oo shir Jaraa'id ku
qabtay magaalada Muqdisho ayaa
sheegay in weerarkaasi lagu
dilay inta u dhaxaysay 60 ilaa
iyo 70 qof oo isugu jira
Xildhibaano, Wasiiro, saraakiil
iyo Jawaasiis u shaqeeya Reer
Galbeedka sida uu hadalka u
dhigay, in kastoo warar madax
banaan ay xaqiijiyeen in dadka
dhintay ay ku jiraan dadka Rayid
ah iyo ganacsato Hotelka
deganeeyd.
Cali dheere ayaa sheegay in
Xarakadda Alshebab ay sii wadi
doonto weerarada ka dhan ah
Xubnaha Dowladda KMG.
Xildhibaano ka tirsan Dowladda
KMG oo ku geeriyooday Qaraxyo
Ismiidaamin ah oo ka dhacay
Muqdisho.
in ka badan 30 qof oo 6 ka
mid ah yihiin Xildhibaano ka
tirsan baarlamanka KMG
soomaaliya ayaa ku geeriyooday
qaraxyo ismiidaamin oo baraqadii
saakay lala beegsaday Hotel lagu
magacaabo MUNA oo ku yaala
Degmada X/wayne ee magaalada
Muqdisho.
Weerarkaasi ayaa waxaa sidoo
kale ku dhaawacmay in ka badan
20 qof oo isugu jira Xildhibaano
ka tirsan Dowladda iyo dad kale
oo rayid ah.
Goob joogayaal ayaa sheegay in 2
nin oo ku hubaysan Qoryaha
darandooriga ah u dhaca ay Xoog
ku galeen Dhismaha Hotelka ka
dibna rasaas ku fureen Qololka
Hotelka uu ka kooban yahay
markii rasaastii ka dhamaatayna
ay is qarxiyeen.
Ragii Fuliyay weerarkaasi ayaa
la sheegay iney ku labisnaayeen
dareeska lagu yaaqaano Ciidamada
Dowladda KMG markii ay galayeen
Dhismaha Hotelka.
Dadka ku dhaawacmay weerarka ka
dhacay Hotel MUNA ayaa la dhigay
Isbitaalka Madiina ,iyadoo dadka
dhaawaca ah qaarkood la sheegay
iney xaaladooda aad u liidato.
Kulan
looga hadlaayo Road Map-ka
dowladda KMG oo lagu wado inuu
ka furmo magaalada Nairobi ee
dalka Kenya.
Wafdi ka tirsan labadda Gole ee
dowladda oo Hogaminaayo
Gudoomiyaha baarlamanka Sharif
Xasan sheikh ayaa shalay
galinkii dambe gaaray Magaalada
Nairobi ee dalka Kenya,halkaasoo
ay uga qeybgali doonaan kulan
looha hadli doono Road Mapk-kii
ay ku shaqeyn lahayd dowladda
KMG inta ka dhiman waqtiga
Jiritaankeeda iyo isbedelka kala
Guurka KMG loona Gudbo Dowlad
dhex.
Wasiirul dowladaha xafiiska
ra'iisuwlasaaraha Khaalid Cumar
oo warbaahinta uga warmay
kulanka ka dhici doona Nairobi
ayaa sheegay in Xubanaha ka
socda labada Golle ee Dowladda
kulakna ay ku wehlin doonaan
xubno ka socda Beesha caalamka.
Khaalid Cumar ayaa sidoo kale
sheegay in la dhameestiray
Howshii dastuuka Cusub ee
Dowladda KMG iyadoo Xubno ka
socda Gudiga dastuurka ay Safaro
ku kala bixin doonaan goboladda
dalka soomaaliya iyo kuwa ay ka
jiraan maamuladda Sida G/mudug
State iyo Puntland.
Xarakadda
Alshebab oo la wareegtay
maamulka Idaacadda IQK ee
magaalada Muqdisho.
Xarakadda Alshebab ayaa la
wareegtay maamulka Idaacadda
Qur'aanka Kariimka IQK
xarunteeda magaalada Muqdisho
sida uu sheegay Agaasimihii
Idaacadaasi Maxamed C/wahaab oo
war saxaafdeed ku saabsan la
wareegida maamulka Idaacadda
xarakadda ASlshebab ka aqriyay
Idaacadda IQK.
Maxamed Cabdiwahaab ayaa war
saxaafadeedkiisa ku sheegay in
laga Bilaabo taariikhda
23/08/2010 Xarakadda Alshebab la
wareegeen maamulka IQK, isla
markaana Mas'uuliyadda iyo
maamulka wax laga weydiin
doonooo kaliya xarakadda
Alshebab oo la wareegay xilika
maamulka IQK.
Shaqaalaha idaacadda ayaa
warsaxaafeedka lagu sheegay iney
Xorr u yihiin sii wadida shaqada
idaacadda IQK iyo in ay isaga
tagi karaan.
Warsaaxafadeedka Maamulkii hore
ee idaacada laguma xusin
sababta Xarakadda Alshebab ula
wareegeen maamulka Idaacadda
iyo iney jirtay khilaaf hore oo
u dhaxeeyay Idaacadda iyo
Xarakadda Alshebab.
ilaa iyo hada wax war ah kama
soo bixin dhinaca Xarakadda
Alshebab oo ku saabsan la
wareegiadda idaacadda IQK ee
magaalada Muqdisho.
Dagaalo aad u culus oo maalintii
labaad ka socda caasimadda
Soomaaliya ee Muqdisho.
Dagaalo aad u qaraar oo u
dhaxeeya Ciidamada
Dowladda,Ahlu-suah iyo Ciidamada
AMISOM oo isku dhinac ah iyo
Xoogaga mucaaradka ayaa
maalintii labaad ka socda
degmooyinka ka tirsan Gobolka
Banaadir,iyadoo dagaalada ay
sababeen qasaare isugu jira
dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa waabarigii saakay
ka bilowday Degmooyinka Hodon
iyo H/wadaag,ka dib markii
Xoogaga Hubaysan ay weerar ku
soo qaadeen fariisimadda
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa
Ahlu-Sunah ay ku leeyihiin H/wadaag
iyo Hodon.
Dagaalka ayaa saamayn ku yeeshay
ganasiga Suuqa bakaaraha iyo
isku socdka gaadiidka dadka iyo
shacabka,waxaana Suuqa bakaaraha
ku dhacaya Madaafiic aad u fara
badan,iyadoo qasaaraha ka
dhashay madaafiic an si rasmi ah
loo ogayn.
Sidoo kale waxaa dagaalo saakay
dib uga qarxeen degmooyinka
Boondheere iyo Shipis,halkaasoo
ay isku farasareen Xoogaga
Mucaradka iyo Kuwa Dowladda oo
ay wehliyaan Ciidamada AMISOM.
Daryanka Madaafiicda iyo
Hubkakale ayaa laga maqlayaa
degmooyinka dagaalada ay ka
socdaan,iyadoo waxyeelada ugu
badan ay soo gaartay dadka
shacabka,waxaana dadkii deganaa
Goobaha lagu dagaalamayaao
saakay bilaabeen iney isaga
qaraaxn guryahooda.
Dagaalka maalintii labaad ka
socda magaalada Muqdisho ayaa
yimid ka dib markii Xarakadda
Alshebab shalay galintii dambe
ay Iclaamiyeen dagaal ka dhan
Dowladda KMG iyo Ciidamada
AMISOM.
AMISOM,
Dowladda KMG iyo Ururka
Ahlu-sunah oo ka hadlay
Dagaalalada ka qarxay magaalada
Muqdisho.
Wasiirka warfaafinta
Dowladda KMG Ing C/rahmaan
Yariisow ayaa wax laga Xumaado
ku tilmaamay Dagaal ay ku
baaqeen Xarakadda Alshebab,xili
shacabka ay ku jiran Gudashadda
waajibaadka Bisha Ramadaan.
Ing Yariisow ayaa ku tilmaamay
dagaalada Muqdisho ka qarxay
kuwa Nasiib daro ah in xiligan
umadda loo iclaamiyo dagaal Hor
leh, waxa uu intaasi raaciyay in
Mas'uuliyadda qasaaraha ka
dhashay Colaadani ay qaadi
doonaan Kuwa Iclaamiyay dagaalka.
Wasiirka warfaafinta Dowladda
KMG ayaa sheegay in Dowladda KMG
ay iska difaaci doonto Weerar
kasta oo kaga yimaada Xoogaga
Mucaaradka.
Sidoo kale Afhayeenka Ciidamada
AMISOM Barajiyo Bahuku ayaa ku
tilmaamay dagaalka xarakada
Alshebab Iclaamisay mid aan
waxba kaga Duwaneyn Dagaaladii
ay ka wadeen Muqdisho,isla
markaana Muqdisho iyo soomaaliya
oo dhan aan wax nabad ah jirin.
Sidoo kale Afhayeenka Gobolka
Banaadir ee ururka Ahlu-sunah
Sheikh Maxamuud Axmed Shuuriye
oo la hadlaayay Waraabhinta ayaa
sheegay in Weerarkii Mucaaradka
ku soo qaadeen Fariisimadda
Ciidamada Ururkiisa ee
Degmooyinka Hodon iyo H/wadaag
ay iska cabiyeen isla markaanay
ay u geeysteen qasaare badan.
Dagaalada ka qarxay Magaalada
Muqdisho ayaa sababay dhimasho
iyo dhaawac aad u fara badan oo
soo garay dad rayid ah.