Bariise ayaa sheegay in qarax
Miinada ku geeriyooday hal qof
oo kaliy,kaasoo ah qofkii ku
Howlanaa aasida Miinadaasi balse
isaga oo kaliya ay ku qaraxday.
Meydka qofkan lagu sheegay inuu
ahaa maskaxdii ka dambaysay
qaraxa Miinada oo yiilay meel
aan sidaasi uga fogayn halka
Miinada ku qaraxday waxaa
jirkiisa ka muuqday googo' oo
miinada sababtay.
Ma ahan markii ugu horaysay oo
magaalada Muqdisho lagu arko
Meydka dad ku geeriyooday Qarax
miino oo ay ku howlanaayeen
aasideeda ,waxaana Masiibadii
ugu xumeyd ka dhacday horaantii
sanadka wadada labaad ee
bakaaraha gaar ahaan Nawaaxiga
Hotel Shaam.
Mudugnet-news
Xarakada Alshebab ayaa
maalintii shalay Meel fagaare ah
ku gubay Raashiin ay ku sheegeen
iney ka soo qabteen qeybo kala
duwan oo ka titsan Gobolka
banaadir kaasooo hay'ada WFP
doonaysay inay u qeybiso dadka.
Raashiinka la gubay oo ahayd
Galay ayaa Alshebab ku tilmameen
galayda mid dhacday oo hay'adda
WFP ay ku doonayso iney ku
dhibaatayso shacabka soomaliyeed.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee
Xarakadda Alshebab Sheikh Dheere
oo saaxafadda kula hadlayay
Goobta raashiinka lagu gubay
ayaa sheegay in hay'ada WFP
soomaaliya dalka Keento raashiin
dhacay oo ay ka soo iibiso
wadamada Reer galbeedka,isla
markaana ay ku doonayso iney
kula dirirto dadka Muslimiinta
ah sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ku Edeeyay Sheikh Cali
Dheere WFP iney diiday in
raashiinka mucaawinada laga
iibiyo Beeraleyda soomaaliyeed
ka dibna la siiyo dadka u baahan
si looga fogaado in rashiin
dhacay amaaan tayadiisu
wanaagsanayn dadka loo siiyo.
Dhinaca kale Afhayeen u hadlay
hay'adda WFP ayaa si kulul u
beeniyay warka ka soo baxay
Xarakada Alshebab oo sheegaaya
in WFP dadka ay siiso raashiin
dhacay,waxa uuna cambareeyay
Afhayeenka WFP galaydii Alshebab
ay shalay ku gubeen xaafadda
Waxracade ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka oo la hadlayay
Wakaalada Wararka ee AP ayaa
waxba kama jiraan ku tilmaamay
hadalka ka soo baxay Xarakadda
Alshebab oo ku edeeyay iney is
hortaag ku heyso gargaarka la
gaarsinaayo dadka ku dhibaatsayn
Gudaha dalka Soomaaliya.
Xarakada Alshebab ayaa horey uga
mamnuucday WFP in ay ka
howlgasho goobaha ay maamulaan
in kastoo WFP ay ka howlgasho
deganadda ay ka taliso Dowladda
KMG iyo Ururka Ahlu-sunah.
Mudugnet-News
Wasiiro ka
socda dowladda KMG iyo Ururka
Ahlu-Sunah oo heshiis ku kala
saxiixday magaalada Adis-Ababa
ee Xarunta Ethiopia.
ka dib wada
hadalo maalmihii la soo dhaafay
Magaalada Adis-Ababa ee Xarunta
Ethiopia uga socda Xubno ka kala
socday Dowladda KMG iyo Ururka
Ahlu-Sunah ayaa ku heshiiyay in
la dhaqan galiyo Heshiiskii
labada dhinac horay ugu gaareen
Magaalada Adis-Ababa.
Wasiirka gaashaandhiga dowladda
KMG Abuukar Cabdi Cismaan
Mardaadi oo ka mid ahaa
Xubnhihii Dowladda uga qeybgalay
shirka Adis-Ababa oo saxafadda
uga warbixiyay Kulanka Adis-Ababa
ayaa sheegay in labada dhinac ay
ugu wada hadleen sidii loo
hergelin lahaa heshiiskii
dowladda iyo ururka Ahlu Sunna
ay wada gaareen iyo sidii loo
mideeyn lahaa tababarada
ciidamada labada dhinac.
Qodobadda Dhabta ah ee looga
hadlay shirkan oo wali dad badan
mugdi kaga jiro marka laga soo
tago wararka ay warbaahinta
siiyeen mas'uuliyiinta Dowladda
waxaa shrika si weyn uga dhax
muuqday Urur Goboleedka IGAD oo
Dowladda Ethiopia ka madax
taasoo ay shaki badan ku abuuri
karta dadka soomaaliyeed,iyadoo
Ethiopia horay uga fashilantay
Duulaankii ay ku qaday dalka
soomaaliya.
Xubnaha shirkan Dowladda U
matalayay waxaa kaloo ka mid ah
wasiirka Amniga Dowladda Axmed
C/salaam oo loo arko Wasiir ay
keensatay Dowladda Ethiopia, in
kastoo Dowladda uu ka soo galay
Dhinaca Ururka Ahlu-sunah.
Waxaa kaloo shirka ka qeybgalay
Qaramada midoobay wakiilkeeda
qarimaha Soomaliya iyo saraakiil
ka socotay Midowga Afrika
kuwaasoo u balan qaaday
Ahlu-Sunah iyo Dowladda iney ka
tageeri doonaan Arimaha
Dhaqaalaha iyo Milatariga.
Mudugnet-News
Xarakadda
Alshebab oo Cafis u fidiyay Nin
ka tirsanaa Ciidamada Dowladda
KMG oo ku xirnaa xabsiga
magaalada Marka.
Maamulka Xarakadda Alshebab
ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa
maanta Cafis u fidiyay Nin ku ay
sheegeen inuu ka tirsanaa
Ciidamada Dowladda KMG oo
dhawaan ay qabteen Ciidamada
xarakadda maamulka Gobolka
shabeelaha Hoose.
Nin lCafiska loo fidiyay oo lagu
magacaabo C/jabaar Kaamuldiin
ayaa saaxafadda u sheegay in uu
ka tirsanaa Jiray Ciidamada
Xibul-islaam ka hor inta uusan
ka mid noqon Ciidamada Dowladda,
balse hada isagoo ka
faa'ideysanaya Cafiska uu helay
ayaa ugu baaqay saaxiibadiisa
kale ee ka tirsan Dowladda inay
ka soo tagaan Ciidamada Dowladda
oo ay ku soo biraan Xoogagaga
Islaamiyiinta ee dagaalka kula
jirta Dowladda Iyo Ciidamada
AMISOM.
C/jabaar ayaa ku xirnaa xabsiga
magaalada Marka ee xarunta
Gobolka tan iyo markii ay
gacanta ku soo dhigeen Ciidamada
xarakadda alshebab ee maamulka
Gobolka Shabeelaha Hoose.
Rag ka tirsanaa Ciidamada
Dowladda ayaa horey ugu biiray
Xoogaga islaamiyiinta ee ka soo
horjeeda Dowlada,iyadoo dhinaca
Dowladda ay had iyo jeer ay
beeniso wararkaasi.
Mudugnet-News
Tahriibayaal
Soomaali ah oo ku xiran
xabsiyadda Wadanka Zambia
Tahriibayaal soomaali ah oo
tiradoodu lagu sheegay in ka
badan 30 qof oo isugu jira
Caruur,Haween iyo Dhalinyaro
ayaa ku xiran xabsiyo ku yaala
Magaalada Luzaka ee Wadanka
Zambia,dadkaas oo xigilii la
qabanaayay ku sii jeeday Wadanka
K/Afrika.
Ciidamada ilaalada Xuduuda
Zambia ayaa dadkan ka qabqabtay
Xuduuda xili ay doonayeen iney u
talabaan dhinaca K/Afrika si ay
Nolol iyo nabad uga raadsadaan
K/afrika oo soomaali badan ay ku
nooshahay.
Dadkan ku xiran xabsiyadda
dallka Zambia ayaa tahriibkooda
ka bilaabay dalka Kenya
halkaasoo ay ka kaxeeyeen rag
Muqalasiin ah oo ka qaatay
lacago aad u fara badan waxaana
xiliyada qaar tahriibayaasha la
kulmaan Dhac iyo Kufsi ay kula
kacaan Ciidamada ilaalada
Xuduudaha.
Waxaa sidoo kale tahriibayaal
badan ay ku xiran yihiin
wadamadda Tanzania iyo
Muzambik,iyadoo aysan jirin Cid
xuquuqdoda kala Hadlaysa
dowladaha ay u xiran yihiin.
Mudugnet-News
Dowladda
KMG oo sheegtay in Qarax ay ku
geeriyoodeen Xubno ka tirsan
xarakadda Alshebab oo xalay ka
dhacay Guri ku yaala Xaafadda
Shiirkolo.
Wasiirka Warfaafinta
dowladda KMG Ing C/raxmaan
Yariiso ayaa sheegay in Qarax ay
ku geeriyoodeen Xubno ska tirsan
xarakadda Alshebab uu xalay ka
dhacay Guri ku xaafadda
Shiirkolle ee degmada Wardhiigle
gaar ahaan Nawaaxiga Masaajidka
Nasruldiin.
Ing Yariisow ayaa qaraxaasi ku
sheegay inuu ahaa mid ka dhashay
Walxaha qarxa oo saarnaa baabuur
la doonayay in lagu weeraro
goobo ku yaala muqdisho.
Wasiirka ayaa Cambaareeyay
qaxaasi isagoo ku tilmaamay wax
aysan dhaqan iyo diin u lahayn
umadda soomaaliyeed balse uu
yahay mid ay dalka soo galiyeen
dadka Ajaaniib ah oo marin
habaabiyay dhalinyaro
soomaaliyeed sida uu hadlka u
dhigay.
Waxa uu ugu baaqay Ing Yariisow
Dhalinyadda Soomaaliyeed iney ka
fogaadaan Ficiladda Foosha Xun
ee lagu dhibaataynaayo Umadda
Soomaaliyeed Xili ay ku jiraan
Gudashadda Waajibaadka Soonka.
Hadlaka Wasiirka Warfaafinta
dowladda ayaa ka dambeeyay
markii qarax la sheegay inuu ka
dhacay Guri lagu diyaarinyay
qarax Ismiidaamin uu ku Qarxay
ragii ku howlanaa,iyadoo ay
warar kala duwan ay ka soo
baxayaan qasaaraha qaraxaasi ka
dhashay.
Mudugnet-News