Maamulka Degmada Guriceel oo howlo baritaan ah ka sameeyay Guryaha Ku yaala Degmada.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 18ka Agosto, 2010.


 
Ciidamada maamulka Degmada Guriceel ee Gobolka G/gadiid ayaa Howlgalo baaritaan ah ka bilaabay Guryaha ku yaala Degmada,iyadoo Howlgankan maamulka Degmada uu ku tilmaamay talaabo lagu xaqiijinayo Amanka.
 
Gudoomiye Kuxigeenka maamulka Degmada Guriceel Cali Baashi Aden Diiriye oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in Ujeedada Howlgaln uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa Amanka Degmada oo 2 cisho ka hor qarax miino lagula beegsaday gudomiyaha Degmada Cisman taar dhuleed oo hada ku jira isbitaalka magaalada.
 
Ali Baashi Diiriye ayaa intaasi ku daray in howlgalkii ay sameeyen Ciidamada maamulka 2dii cisho ee la soo dhaafay lagu soo qabqabtay in ka badan 10 qof oo lala xiriirinayo qaraxii ka dhacay Degmada Guriceel.
 
Mudugnet-News