Ciidamada Dowladda KMG iyo Kuwa Xisbul Islaam oo saakay ku dagaalamay Degmada Hodon.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 18ka Agosto, 2010.

 
 
Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG iyo Kuwa Xisbul Islaam ayaa wabarigii saakay ka dhacay Degmada Hodon ee Gobolka banaadirmiyadoo dagaaladaasi ay sababeen qasaare soo gaaray Kooxihii dagaalamay.
 
KMG ayaa Guulo ka sheegtay Dagaalkii saakay dhacay,sarkaal u hadlay Dowladda oo lagu magacaabo C/qaadir xasan ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii ay la galeen Ciidamad Xisbul Islaam.
 
Cabdulqaadir Xasan ayaa sheegay in Kooxihii soo weeraray Ciidamada Dowladda ay ka dileen 3 qof 6 kalena ay dhaawaceen isla markaana ka furteen Hub ay ku jiraan Qoryaha Fufud.
 
Ciidamada Dowladda ayaa soo bandhigay Meydka wiil dhalinyaro ah oo ay ku sheegeen inuu ka tirsanaa Xisbul islaam oo ku geeriyooday Dagaalkii saakay iyo qorigiisa.
 
ilaa iyo hada wax war ah kama soo bixin dhinaca kale ee Xisbul islaam oo saakay dagaalka ku qaaday fariisimada Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Hodon.
 
Mudugnet-News