Qarax miino oo saakay lala Eegtay Ciidamada Milatariga Dowladda KMG ee Degmada Dharkeenlay.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 18ka Agosto, 2010.


 
Qarax Miino ayaa barqadii saakay lala Eegtay Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda KMG oo Howlgalo ka sameynayay Degmada Dharkeenlay ee Gobolka banaadir.
 
Qaraxan oo ka dhacay xaafada Nuur Aduunyo ee Degmada Dharkeenlay oo xiligaasi Howlgalo ka sameynayeen Ciidamada Milatarig dowlada ee Fariisinka ku leh Xoosh sida ay sheegeen Goob joogayaal.
 
Qaraxan oo aan wax qasaare ah u geysan Ciidamada Dowlada waxaa ku dhaawacmay qof rayid ah oo Deganaa halka uu qaraxa ka dhacay.
 
Sarkaal u hadlay maamulka Degmada Dharkeenlay ayaa sheegay in Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Dowladda ku soo qabteen ciidamada qofkii ka dambeeyay qaraxa Miinada iyo Walxihii qaraxa u Adeegsanaayay, isla markaana ay soo taagi doonaan Maxkamad.
 
Sidoo kale Xalay ayaa qarax loo adeegsaday Bam Gacmeed lagu weeraray Saldhiga Ciidamada Afar Irdood ee Degmada X/weyne,iyadoo mamulka Gobolka banaadir ku Edeeyay qaraxaasi waxa ay ugu yeereen Kooxaha nabad Diidka ah.
 
Mudugnet--News