Mas'uuliyiin ka tirsan Gobalka Hiiraan oo iscasilay eedayna u jeediyay dowladda Federaalka.

 

MudugNet, Muqdisho. Talaado, June 30, 2009.



Mas'uuliyiin katirsan Maamulka Gobalka Hiiraan ee taageersan maxaakimta islaamka ayaa 12-kii saac ee lasoo dhaafay ku dhawaaqay in ay iska casileen xilalkii ay hayeen.
Kadib markii dhawaan Weerar Ismiidaamin ah lagu dilay Wasiirkii Amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan waxaa bilaawday in ay kala fur furmaan saraakiisha dowlada taageersan.

Shiikh Maxamed Maxamuud Warsame ayaa sheegay inuu go'aansaday inuu xilka iska casilo kadib markii uu arkay dhibaatooyinka dalka ka jira ee ka dhex aloosan dowladda KMG ah iyo xoogagga kahorjeeda.
Waxa uu sheegay inuu sii wadi doono fidinta diinta islaamka isagoo aan cidna taageersanayn, waxaana uu xusay inuu ka fariistay xilkii uu ka hayey maamulka Maxkamadaha Islaamka ee gobolka Hiiraan.

"Anigoo aan cidna la shaqeynaynin dhinacna aan taageeraynin ayaan sii wadayaa fidinta diinta islaamka waana iska casilay xilkii aan ka hayey maamulka" ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dhinaca kale gudoomiye K/xigeenkii 1-aad ee Maaakimta Gobalka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in uu iscasilay islamarkaana uu hogaamin doono dagaallo ka dhan ah Ciidanka Itoobiya hadii ay dalka soo galaan
Isagoo Warbaahinra la hadlayay ayuu Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in uu ka xanaaqay dalabka ay dowlada Somalia dalbatay ciidan shisheeye oo ay Itoobiya kamid tahay.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho