
Al Shabaab
oo sheegay in ay weerarayaan
Kenya iyo Itoobiya
(Waa
u yeerasho Cadawga Soomaaliya oo
dalka Qabsada kadib markii
shabaab aragtay in Quwadaha
Cadawga u ah Soomaaliya ay
dhaheen Ciidamo u soo diri meyno
Soomaalia)
MudugNet, Muqdisho. Talaado,
June 30, 2009.
Kooxaha Islaamiyiinta ayaa u
dhaartay dowlada Kenya iyo
Ethopia oo dhawaan sheegay in ay
fara gelin ku samaynayaan gudaha
dalka Somalia o
o ay dagaallo ka socdaan.
Xoogaga Mucaaradsan dowlada ayaa
wado abaabulo dagaal oo ay isaga
difaacayaan quwad walba oo
diidan siyaasadooda adayga ku
dhisan.
Guddoomiye ku xigeenka maamulka
Islaamiga ah ee magaalada
Kismaayo C/qani Maxamed Yuusuf
ayaa sheegay in la gaaray
xiligii ay mujaahidiintu weeraro
ka fulin lahaayeen gudaha
dalalkaas, isagoona sheegay in
cadowgii ay jabeen ayna tahay
inay talaabadaas qaadaan.
Wuxuu ugu baaqay shacabka
Soomaaliyeed inay u istaagaan
sidii ay weeraro ugu qaadi
lahaayeen dalalka Ethiopia iyo
Kenya, isagoona ku baraarujiyey
inay arrintaas ku tahay waajib.
"Wixii maanta ka dambeeya waxaa
waajib nagu ah inaan ku duulno
cadowga Ethiopia iyo Kenya oo
aan godadkooda ugu tagno oo
guryihii iyo meelihii ay nooga
soo duuleen aan ugu tagno" ayuu
yiri Guddoomiye ku xigeenka
maamulka Islaamiga ah ee
magaalada Kismaayo C/qani
Maxamed Yuusuf.
Wuxuu sii raaciyey hadalkiisa
inay diyaariyeen mujaahidiin
fulinaya weerarada lagu qaadayo
dalalka Ethiopia iyo Kenya isla
markaana ay garab uga baahan
yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho
Faallo : Abidkeey ma arkin nin
raba inuu wax dilo ama wax laayo
oo dadkii uu layn lahaa u sii
digaaya, Qolyahan magaca
Islaamka bi'inaaya oo aan
aaminsanahay in ay gacan saar la
leeyihiin Qolyo cadawtooyo u
qaba magaca Islaamaka waxaa
banaa in lala jihado oo shacabku
kacdoon ku sameeyaan , Car
Ilaheey ha ku dhacdee waaba ku
hacdee!.
Waxay u aheyd iney gudaha
Itoobiya ka bilaabaan Jihaadka
ay sheegayaan Jahanama lageeyga
Shabaab, ujadeeda runta ah waxay
tahay dalkaan inaan nabad ka
dhalan oo shacabka Koofurta
Soomaaliya la cirib tiro, Ilaah
baase u maqan Sir maqabe
Soomaali!
Abtidoon Baahalow