
Dhaqanka
Hawiye oo ku baaqay in loo
gurmado dadka dhibaataysan
MudugNet, Muqdisho. Isniin,
June 29, 2009.
Golaha Dhaqanka iyo
Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ku
baaqay in loo gurmado shacabka
Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan
duleedyada Muqdisho.
Gudoomiyaha golaha dhaqanka
Beesha Hawiye Nabadoon Max'med
Xasan Xaad ayaa ugu baaqay
hay'adaha samafalka iyo
shaqsiyaadka Somalida ee wax
haysta in ay u gurmadaan
walaahooda.
" Dagaalada ka socdo waxaa ku
dhibaatoobay dadkii reer
Muqdisho sidaas darteed waxaan
ugu baaqayaa muwaadiniinta
Somalida in ay u gargaaraan
shacanka daadsan duleedyada
Muqdisho" ayuu yiri Xaad.
Golaha Dhaqanka Hawiye oo ku
caanbaxay cambaaraynta kooxaha
dagaalamaya ayaa ku dhiira
waayay in ay cambaareeyaan
kooxaha dagaalada wada sabab
amaan aawgeed.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho