
Waqooyiga
Magaalada Muqdisho oo kacsan iyo
dagaallo weli halkaasi ka socdo
MudugNet, Muqdisho. Sabti,
June 27, 2009.
Xaalada Waqooyiga Magaalada
Muqdisho ayaa weli kacsan
waxaana lamaqlayaa Rasaas culus
oo ay is dhaafsanayaan Xoogaga
Islaamiga ah iyo Maleeshiyaadka
Dowladda Federaalka Somalia oo
inta badan gacan ku haynta
Waqooyiga Muqdisho lagala
wareegay.
Iska horimaadka oo labada dhinac
ay isku adeegsadeen hubka
nuucyadiisa kala duwan ayaa
yimid kadib markii labada dhinac
oo ahaa Keeb la yuurar ay si ka'
ah isugu dheceen, lamana oga
khasaaraha kala gaaray labada
dhinac ee saaka ku dagaalamay
halkaas.
Wararka laga helayo degmada
Kaaraan ayaa sheegaya in labada
dhinac ay weli isku horfadhiyaan
deegaanadii ay horay ugu
dagaalameen ee degmooyinka
Kaaraan iyo Yaaqshid, mana jiro
war ka soo baxay labada dhinac.
Xaalada deegaanadii ay saaka
iska horimaadyada ka dheceen
ayaa ah mid deggan inkasta oo
weli labada dhinac ay isku
horfadhiyaan qeybo kamid ah
deegaanadii ay saaka ku
dagaalameen.
Degmada Kaaraan ayaa noqotay
maalmihii ugu dambeeyey meelo ay
si xooggan ugu dagaalamaan
xoogagga mucaaradka ah iyo
ciidanka dowladda KMG ah.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho Somalia