
Madaxweynihii Gal-Mudug oo
Xilkii uu hayay Iska casilay iyo
Prof. Max'med Faarax Jimcaale oo
ku guulaystay deminta xasarada
Gal-Mudug
MudugNet, Muqdisho. Sabti,
June 27, 2009.
Madaxweynihii Maamulka
Gal-Mudug ayaa maanta ku
dhawaaqay in uu ka tanaasulay
Xilkii Madaxtinimo oo uu ka
hayay Maamulka Gal-Mudug oo ka
arrimiyo deegaano dhowr ah oo
hoos yimaad Galgaduud iyo Mudug.
Shir Jaraa'id oo uu maanta
magaalada Gaalkacyo ku qabtay
Madaxweyne Max'med Warsame Cali
Kiimiko ayuu ku sheegay in uu ka
tanaasulay xilkii uu u hayay
Shacabka Gal Mudug kadib markii
ay soo bexeen khilaafaadyo
Gal-Mudug gelin kara Mugdi
Siyaasadeed.
Mr. Kiimo oo Warbaahinta
lahadlay wuxuu sheegay in uu
yahay Muwaadin caadi ah oo xor
ah islamarkaana uu kamadax
banaanaa doono arrimaha
Siyaasadda Maamulka Gal Mudug.
Istiqaalada uu maanta dhiibay
Madaxweyne Kiimiko waxaa kasoo
shaqeeyay Aqoonyahano iyo
Waxgarad kasoo jeedo Gal-Mudug
oo maalmihii lasoo dhaafay ku
mashquulsanaa xal u helidaa
xasaradaha ka aloosmay
Doorashooyinka Madaxtinimada
Gal-Mudug.
Prof. Max'med Faarax Jimcaale oo
ka tirsan Siyaasiyiinta
Gal-Mudug ayaa la sheegay in uu
ku guulaystay xal uhelidda
Gal-Mudug isla markaana uu iskus
oo dhaweeyay Siyaasiyiintii is
khilaafsaneeyd.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho Somalia