
Al Shabaab
oo xirtay gudoomiyihii hore ee
degmada Baraawe gobalka
Shabeelaha Hoose
MudugNet, Muqdisho. Sabti,
June 27, 2009.
Maamulka Islaamiga ee
gobalka Shabelaha Hoose ayaa
maanta xabsiga dhigay
gudoomiyihii hore ee degmada
Baraawe Cabdulaahi Xalane
Dhuxuloow.
Maanta Duhurkii ayay Ciidanka
Kooxda Al Shabaab isku
balaariyeen xaafad kamid ah
xaafadaha degamada Baraawe oo uu
deganaa gudoomiyaha la xiray.
Dad goob joogayaal ah ayaa soo
sheegay in Ciidanka Al Shabaab
ay gacanta kusoo dhigeen
gudoomiye Cabdulaahi Xalane
Dhuxuloow dabadeedna ay dhigeen
Jeelka degmada Baraawe.
Wararka ayaa intaas ku daraya in
Al Shabaab ay soo qabatay
Gaadiid iyo hub yiilay guriga
Cabdulaahi Xalane Dhuxuloow oo
in mudda ah maamulayay degmada
Baraawe.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho Somalia