
Xoogaga
Islaamiyiinta ah oo la wareegay
inta badan Gacan ku haynta
gobalka Shabeelaha Dhexe
MudugNet, Muqdisho. Jimce,
June 26, 2009.
Xiisada colaadeed ayaa weli
ka aloosan degeenada Waqooyi ee
gobalka Shabeelaha Dhexe kuwaas
oo u dhexeeya Xoogaga Al Shabaab
iyo Haraadigii Maamulkii
Maxaakimta ee dowlada raacsan.
Xoogaga daacad u ah Al Shabaab
ayaa la sheegay in ay shalay
xoog ku galeen tuulada Ceelbaraf
gobalka Shabeelaha dhexe oo ay
horay u joogeen Maxaakimta
Islaamka.
Wararka nagasoo gaaraya degmada
Ceelbaraf ayaa xaqiijinaya in
halkaasi ay weli ku suganyihiin
xoogaga hubaysan ee kasoo
horjeeda dowlada KMG Somalia iyo
ciidanka shisheeye.
Dad ku sugan degmada Ceelbaraf
ayaa sheegay in wax dhib ah
aysan ka dhicin gudaha degmada
balse ay shacab badan oo
halkaasi ku barakacay ay
muujiyeen cabasi dagaal.
Dagaal kooban oo shalay
deegaanka calaag ku dhaxmaray Al
Shabaab iyo ciidan uu wato
Sheekh Daahir Cadow gudoomiyihii
gobalka ayaa joogsaday waxaana
jira warar sheegaya in gaadiid
ay lahaayeen Maxaakimta ay la
wareegeen dhinaca kale.
Wararka ayaa intaas ku daraya in
Xoogaga gaaray Ceelbaraf ay
bilaabeen dhax dhaxaadin ay ka
dhaxwadaan beelaha Xawaadle iyo
Abgaal oo Muddo 100-sana ah
halkaasi ku dagaalamayay
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho Somalia.