
Maalinta
Xoriyada Somalia oo aan Muqdisho
iyo Gobalada kale laga xusin iyo
Calan Madoow ah oo bedelay
Calankii Buluuga ahaa.
MudugNet, Muqdisho. Jimce,
June 26, 2009.
Maanta oo ay Taariikhdu ku
beegantahay 26-ka Bisha Juun
waxay ku astaysantahay maalinta
Calanka Soomaaliyeed balse
majirin wax fantasya ah oo
arrinkaas lagu maamuusayo
maadaama ay dalka ka jiraan
dhibaatooyin farabadan.
Gobolada Dalka Somalia iyo
magaalada Muqdisho kama dhicin
wax fantasya ah oo lagusoo
dhawaynayo Munaasabada qiimiga
badan marka laga reebo meelo
fara kutiris ah.
Maalintii ugu horaysay oo calan
Somali ah la taago mana jirin
wax munaasabad ah oo loo dhigay,
Warbaahinta magaalada Muqdisho
ayaa u muuqatay mid ka gaabisay
ka hadalka Munaasabadaasi sababa
laxariiray kooxaha haysta
Muqdisho inteeda badan oo aan
ogolayn calanka Buluga ah ee
Somalia.
Gobalada Jubbooyinka,
Shabeelooyinka, Bay,
Bakool,Hiiraan,Gedo Banaadir,iyo
degmooyinka
Ceelbuur,Wabxo,Ceeldheer,Xarar
Dheere dhamaan gobaladaas iyo
degmooyinkaas kama dhicin wax
munaasabad ah oo loogu dabaal
degayo maalinta Xoriyada
waqooyiga Somalia.
Calanka Buluuga ah ee Somalia
waxaa bedelay calan Madoow ah oo
ay wataan Xoogaga hubaysan ee
dowlad kasoo horjeeda.
Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo
Guri Ceel ayaa noqday meelaha
kaliye ee Koonfurta Somalia laga
xuso munaasabadda 26-ka Juun oo
ah maalinta xoriyada Somalia.
Waa markii ugu horaysay oo aan
Somali laga xusin munaasabada
maalinta xoriyada Gobalada
Koonfureed ee dalka Somalia.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho Somalia