Xaalad Nolol xumo oo hayso Shacabkii Kabarakacay Muqdisho ee kunool duleedka Bari ee magaalada Muqdisho

 

MudugNet, Muqdisho. Jimce, June 26, 2009.
 


Xaalada Nolol xumo ayaa soo wajahday kumanaan qof oo kabarakacay magaalada Muqdisho kuwaasi oo u barakacay degmooyin katirsan gobalka dalka.

Dadka ku dhaqan deegaanada bari ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay walaac balaaran ka qabaan xaaladahooda nololeed kadib markii ay waayeen wax ay ku noolaadaan maadaama ay kasoo dhaqaaqeen meelihii ay ka shaqay jireen.

Dadka ku dhaqan deegaanada Ceel Cadde iyo Ceel macaan waxaa ka jira dhibaato bani aadanimo tii ugu xumeed waxaana banaanka daadsan haween iyo carruur la ildaran nafaqa daro.

Shacabakan dhibaataysan waxay ugu baaqeen hay'adaha samafalka iyo shaqsiyaadka Somalida ah in ay wax ka qabtaan dhibaatada haysato islamarkaana ay u damqdaan shacabkaasi dhibaataysan.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho Somalia