
Madaxweynaha Soomaaliya oo
Shacabka Jabuuti ugu
hambalyaysay maalinta Calanka
Dalka Jabuuti
Warsaxaafadeed
Ref: 1505/W/WWM/09
Khamiis: 26-06-2009
Hanbalyo ku aadan Maalinta
Xuriyada Dalka Jabuuti
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane
Sharif Sheekh Axmed isagoo
wakiil ka ah dhamaan Shacabka
Soomaaliyeed meel walbuu joogaba
waxaa uu dhanbaal hanbalyo, u
diray Madaxweynaha Dalka Jabuuti,
Mudane Ismaaciil Cumar Geelle,
taasoo ku aadan sanadguurada
32-aad ee xurnimada Dalka
Jabuuti(June 27, 1977).
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu
tilmaamay iney xurnimada Jabuuti,
ay farxad u ahayd dhamaan
shacabka Soomaaliyeed, sida
Ummada Jabuuti ay guul iyo
raynrayn ugu ahayd.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa
dhanbaalkiisa hanbalyo ku
sheegay in "Xiriirka ka dhaxeeya
labdeena dal inuu ka qoto dheer
yahay midka ummadaha kale ka
dhexeeya, maxaa yeelay keenu waa
mid ku saleysan dhiig, dhaqan,
af iyo diin intaba.
Taasina waxay aad usii caddaatay
wixii ka dambeeyey 1990; markii
dowlada Soomaaliyeed uu burburku
ku dhacay ee dagallada sokeeye
ay dalkaygii iyo dadkaygiiba
aafeeyeen"
Madaxweynuhu intaa ku daray
waxaa uu ku daray "weligayo, ma
illoobi doono jabuuti inay ahayd
dalkii ugu horreeyay ee u kacay
badbaadinta ummaddayada iyo dib
usoo celinta qarankayagii sida
weyn u dhaawacmay, ma iloobi
doono inaad noo soo jeesateen
markii ay dunida naga sii
jeesatey, iyo inaad ahaydeen
kuwii irdaha noo furay markii
dunidu albaabbadeeda naga wada
xiratay".
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu
ku booriyay Shacabka jabuuti iyo
Madaxweynaha Jabuutiba, in ay
weli shacabka soomaaliya u
baahan yahay hiil iyo talo iyo
gacanqabashaba, waxaana
Madaxweynaha Soomaaliya uu u
rajeyayay in Ummada Jabuuti iyo
Madaxweynaha Jabuutiba
sannadguuro walba inay bashbash
iyo barwaaqo ku gaaraan.
Waxa xusid mudan in Gudoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya Mudane
Adan Maxamed Nuur iyo wafdi uu
hogaaminayo ay kala qeyb
galayaan dabaaldaga
sanadguuradii 32 aad ee ka soo
wareegtay xurnimada Jabuuti
taasoo muujinaysa xiriirka
walaaltinimo ee qotoda dheer.
C/qaadir
Maxamed Cusmaan
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya