
Madaxweyne Sheekh Shariif oo
Hambalyo u diray Shacabka
Soomaaliyeed Munaasabada 26-ka
Juun aawgeed
MudugNet, Muqdisho. Jimce,
June 26, 2009.
Hanbalyo ku aadan Maalinta
Xuriyada Gobolada Waqooyi:
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane
Shariif Sheekh Axmed waxaa uu u
gudbinayaa dhamaan shacabka
Soomaaliyeed, gaar ahaana
shacabkeena Goboladda Waqooyi,
hanbalyo ku aadan maalinta
xuriyadda Gobolada Waqooyi
(26-06-1960) oo ay ka soo
wareegtay 49 sano.
Madaxweynuhu wuxuu u rajeynayaa
Ummada Soomaaliyeed, Midnimo,
Nabad, Horumar iyo dowladnimo,
waxaana madaxweynuhu dhiiri
gelinayaa oo uu bogaadinayaa
nabada iyo kala danbeynta ka
jirta Waqooyiga Soomaaliya isaga
oo ku boorinaya iney xoojiyaan
nabadaas iyo kala danbeyntaas,
sidoo kalana ay soo nooleyaan,
walaaltinimadii, isku duubnidii
kala dhaxaysay walaalahooda
kale, iyagoo hilmaamaya,
cafiyaya oo ka gubaya,
dhibaatadii iyo dulmigii loo
geystey intii xornimada la
qaatay.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu
aad uga xun yahay in dadaalkii
halgamayaashii xuriyada
soomaaliyeed jiilalkii ka
danbeeyay ay lumiyeen,
dalkeenana uu marayo xaalad adag
oo u baahan shqao badan si dib
loogu soo nooleeyo, dowlad dhexe
oo tayo leh oo dadkayagu sugayey
muddo ku dhow 20 sano.
Shacabka Soomaaliyeed way ka
daaleen dagaal, iyo burbur iyo
dawladnimo laan waxayna aad ugu
baahanyihiin sidii loogu heli
lahaa dawlad ay ku nastaan oo
gaadhsiisa ummadaha ay ka
hadheen. Soomaaliya waxaa dagaal
ka hurinayaan kuwa nabadda,
horumarka, iyo kala danbeynta
soomaaliya aan rabin oo ay
hogaanka u hayaan Argagixiso
Caalami ah, kuwaasoo dalkeena
iyo dadkeena ka raba ineey ka
dhigtaan meel aan sharci ka
jirin oo gabaad iyaga u noqota.
Gunaanadkii iyo Gabagabadii
Madaxweynuhu wuxuu ku rajo weyn
yahay in shacabka soomaaliyeed
uu ka guuleysan doono
argagixisada, ayna soo noqon
doonto sharaftii iyo
walaaltinimadii ka dhexaysay
shacabkeena meel walbo oo uu
joogo.Waxaan hubaa in dalkeenuna
uu heli doono horumar, nabad,
iyo wanaag dhanwalba ah.
C/qaadir Maxamed Cusmaan
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya