
Maxaakimta
islaamka B/weyne oo cafis u
fidiyay Maxaabiis ay kusoo
qabteen howlgallo nabad gelyo
MudugNet, Muqdisho. Arbaco,
June 24, 2009.
Maxaakimta Islaamka
taageersan dowlada Federaalka
Somalia ayaa shaaca ka qaaday in
ay cafis u fidiyeen maxaabiis ay
dhawaan kusoo qabteen howlgallo
amni sugid ah oo ay ka fuliyeen
magaalada B/weyne
Taliyaha amaanka u qaabilsan
Maxkamadaha Islaamka Shiikh
Ibraahim Yuusuf ayaa sheegay in
dadka ay sii daayeen ay kamid
ahaayen tiro dad ah oo ay
ciidanka amaanka ka qabqateen
xaaafadaha magaalada Baledweyne
kadib howlgallo ay ka sameeyeen.
Wuxuu sheegay in dadaan la
qabqabtay xilli uu magaalada
Baledweyne ka jiro bandow lagu
sugayo amaanka kaas oo magaalada
uu ku soo rogay maamulka
Maxkamadaha Islaamka.
Taliyaha ayaa intaas raaciyey
inay jiraan dad kale oo weli ku
jira xabsiga magaalada
Baledweyne kuwaas oo uu sheegay
inay ku hayaan baaritaano
islamarkaana ay maxkamad soo
taagi doonaan.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho Somalia