
Gudoomiyaha Balanballe "
Ciidanka Itoobiya ee Balanaballe
jooga waxay noo sheegeen in ay
dowladu ka warqabto
joogitaankooda"!
MudugNet, Muqdisho. Talaado,
June 23, 2009.
Maamulka degmada Ballanballe
gobalka Galgaduud ayaa shaaca ka
qaaday in Dowladda Federaalka
Somalia ay ka warqabto
joogitaanka Ciidanka Itoobiya ee
mudadad 25-maalmood ah sida
xoogga ah ku haysto Galgaduud.
Gudoomiyaha degmada Balanballe
Hareeri Xasan barre ayaa shaaca
ka qaaday in Ciidanka Itoobiya
ay u sheegeen in ay Balanbale ku
joogeen amarka dowlada
islamarkaana ay dhawaan aadi
doonaan degmooyinka gobalka
Galgaduud.
Wuxuu sheegay in kadib kulan ay
la qaateen saraakiisha
hogaaminaysay ciidanka Ethiopia
ee ku sugan degmada Balanballe
ay ugu sheegeen in dowladda KMG
ah ay ka war qabto joogitaanka
ciidanka Ethiopia ee halkaas,
waxaana uu sheegay in
saraakiisha ciidanka Ethiopia ay
u sheegeen inay maalmaha soo
socda u dhaqaaqi doonaan
degmooyin katirsan gobolka
Galgaduud.
Wuxuu xusay in ciidanka
Ethiopian-ka ee ku sugan degmada
Balanballe ay isi soo xoojiyeen
islamarkaana ay u eg yihiin kuwa
safar ugu ambabaxaya degmooyinka
kale ee gobolka Galgaduud,
waxaana uu sii raaciyey
hadalkiisa in wixii ka dambeeyey
imaatinka ciidanka Ethiopia uu
yaraaday dhaqdhaqaaqii ganacsiga.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho