Dagaallo Goos-goos oo maanta ka dhacay degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid Magaalada Muqdisho

 

MudugNet, Muqdisho. Talaado, June 23, 2009.
 


Dagaalo goos goos aha ayaa weli kasii socda fegmooyin katirsan magaalada Muqdisho kuwaas oo u dhexeeya xoogaga mucaardaka ah iyo ciidanka dowlada oo kaalmaysanaya kuwa AMISOM.
Dagaaladan oo ah kuwa aan sidaasi u weynayn ayaa maanta ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid waqooyiga magaalada Muqdisho.

Khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay Tacshiirado ay labada dhinac is dhaafsadeen, rasaas culus oo ka dhacday xaafadda Jiira Wacbuudhan degmada Kaaraan ayaa sababtay khasaara dhaawac u badan oo gaaray dad rayidka ah oo halkaasi ku sugnaa.

Dhinaca kale Rasaas ka dhacday xaafadda Suuq Bacaad ayaa sababtay in hakad kooban galaan isku socodka gaadiidka daweynaha
Dagaaladan ayaa ah kuwa weli ka aloosan magaalada Muqdisho ayaa caqabad ku ah Nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho kuwaas oo badankood kabarakacay magaalada.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho