Shacab farabadan oo ku dhintay dagaalada weli kasii socdo magaalada Muqdisho

 

MudugNet, Muqdisho. Sabti, June 20, 2009.
 


Khasaara culus ayaa shacabka masaakiinta ah kasoo gaaray dagaallo qaraar oo maalintii 4-aad magaalada Muqdisho ku dhaxmaraya Ciidamada Dowlada oo kaashanaya Ciidanka AMISOM iyo xoogaga hubaysan.
Shacabka masaakiimta ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay kabarakacaan xilli ay ku socoto duqaymo ay boqolaal qof oo Muslim ah ku dhimanayaan.

Waxaa joogsaday xooga dagaalka maantay, iyadoo mar mar ka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ka dhacday furunta hore ee dagaalka.
Wararka aan ka helayno Goobaha Caafimaadka ayaa waxay sheegayaan in ay sii kordhayaan Qasaaraha ka dhashay dagaalada maantay ka dhacay Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Shibis.

Ilaa 18-ruux oo qabaan dhaawacyo kala duwan ayaa la gaarsiiyey goobaha Caafimaadka, sida Isbitaalada Deyniile, Madiina iyo Keysanay, iyadoo ay suuragal tahay in tirada dhawacyada dadka qaba ay intaasi ka sii badan yihiin.

Sidoo kale dagaalka ayaa geystay qasaare dhimasho ah oo soo gaaray dad rayid ah iyo dhinacyada dagaalamayay, haba ugu badnaadaan dadka rayid ah oo ku nafwaayeen duqeynta iyo rasaasta habowga labada dhinac.
Dhanka kale warar aan ka helayno aaga madaxtooyada ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay isku soo faafiyeen dhinaca Isgoyska Jubba sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, wallow aan dhab ahaan la xaqiijin Karin.

Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ayaa laga cabsi qabaa in ay madaafiicdii ugu cuslaa ay ku garaacaan xaafadaha ay deganyihiin shacabka masaakiimta ah, si kastaba ha ahaatee shacabka magaalada Muqdisho ayaa noqday xasuuq u joog.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho