
Dowladda KMG Somalia oo xaalad
deg deg ah kusoo rogtay dalka
baaq bad baadin ahna u dirtay
caalamka.
MudugNet, Muqdisho. Sabti,
June 20, 2009.
Xukuumadda Federaalka Somalia
ayaa ku dhawaaqday in dalka la
geliyay xaalad deg deg ah
"Marshal Low" kadib markii ay
mucaaradku kulaaleen qasriga
madaxtooyada Somalia.
Kulanh deg deg ah oo ay golaha
Wasiirada Somalia ku yeesheen
madaxrtooyada yay kaga doodeen
xaaladaha ka taagan Muqdisho iyo
sida ugu muhiimsan ee looga
hortagi karo isbalaarinta
xoogaga Islaamiyiinta ah.
Shir albaabadu u xiranyihiin oo
ay golaha Wasiiradu yeesheen
ayaa lagu go'aamiyay in dhamaan
gobalada dalka lagusoo rogo
xaalad deg deg ah.
Wasiirka Warfaafinta u qaabilsan
Dowladda KMG Somalia Farxaan
Cali Maxamud oo saxaafadda la
hadlay gaba gabadii kulankii
maanta ayaa sheegay in Wasiiradu
ay arrinkaas go'aansadeen sababa
jira aawgeed.
Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa
baaq deg deg ah u diray wadamada
reer galbeedkagaar ahaan
Maraykanka iyo Ururada caalamiga
ah si ay uga kaashato la
dagaalanka waxa loogu yeero
Argagaxisada.
" Golaha Wasiirada Somalia waxay
ka codsanayaan beesha caalamka
sida Reer Galbeedka gaar ahaan
maryakanka,Midowga Yurub,AU,Arab
Leage,Uruka Islaamka in ay
dowlada ka bad baadiyaan
Argagaxisada" ayuu yiri Farxaan
Cali Maxamuud.
Madaxweynaha Dowldda KMG Somalia
ayaa looga fadhiyaa in uu
saxiixo go'aanka xaalada deg
dega ah, arrimahan oo dhan ayaa
imaanaya xilli dagaallo culus ay
magaalada Muqdisho ka socdaan.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho