Dowladda KMG Somalia oo codsatay in dalka la keeno Ciidamo Ajaanib ah .
 

MudugNet, Muqdisho. Sabti, June 20, 2009.



Dowladda KMG Somalia ayaa shaaca ka qaaday in ay u baahantahay Ciidan Ajaanib ah oo ka difaaco xoogaga Islaamiga ah ee dowlada ku hareereeyay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowladda KMG Somalia Sheekh Aadan Max'med Nuur (Aadan madoobe) oo maata shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa qiray in mustaqbalka dowlada Somalia uu khatar ku jiro kadib markii ay islaamiyiitu ay kaabiga saareen meelaha muhiimka u ah dowlada.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay wadamada deriska la ah Somalia in 24-saacadood ay usoo galaan Somalia si looga bad baadiyo wax uu ugu yeeray khatarta Al qaacidda.

" Dowlada Somalia waxay ka codsanaysaa wadamada Itoobiya,Jabuuti,Kenya iyo Yaman in ay ciidan noosoo diraan" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Hadalkan kasoo yeeray dowlada Federaalka Somalia ayaa kusoo aadaya xilli dagaalada qaraar ay magaalada Muqdisho ku dhaxmarayaan ciidanka dowlada iyo kooxaha kasoo horjeeda.



Mudugnet.com Xafiiska Wararka magaalada Muqdisho