Dowladda FKMG Somalia oo qirtay in Kooxaha Mucaaradku ay dhaqaale ahaan iyo Meleteri ahaan kaga wanaagsan yihiin dowladda

 

MudugNet, Muqdisho. Sabti, June 20, 2009.
 


Dowladda Somalia ayaa tafaasiil dheeri ah ka bixisay sababaha Ciidankeeda loogu muquuniyo dagaalada ka socdo magaalada Muqdisho xilli Mucaaradku meela badan qabsadeen.

Gudoomiyaha baarlamanka dowlada Federaalka Somalia Sheekh Adan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha islaamiyiinta ah ay ka barbar dagaalamaan wax uu ugu yeeray ajaanib aad uhubaysan.

" Kooxaha nagasoo horjeeda waxay haystaan dhaqaalo iyo hub ka casrisan hubka ciidankeena taas ayaa keentay in ay dagaalada uga roonaadaan ciidankeena" ayuu yiri Sheekh Aadan madoobe.

Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in 100-kii Askari ee katirsan Islaamiyiinta 80-kamid ah ay ku hubaysanyihiin dabajeexyo iyo Baasuukayaal taas oo keenaysa in mucaaradku ay wiiqaan kuwa dowlada oo aan dhaqaale sidaas ah lahayn.
Waa markii ugu horaysay oo ay dowlada Somalia sheegto in Kooxaha Islaamiga ah ay ka dhaqaale roonyihiin dowladda Federaalka Somalia.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka magaalada Muqdisho