Ciidanka Gumaysiga Itoobiya oo bilaabay dhaq dhaqaaqyo ay Somalia kusoo aadayaan

 

MudugNet, Muqdisho. Isniin, June 22, 2009.



Ciidamada Gumaysiga Tikreega ee ku sugan xadka ay wadaan somalia iyo itoobiya ayaa bilaabay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay ugu diyaar garoobayaan soo gelitaankooda Somalia
Wararka laga helayo degmada Balanbale ee gobalkaasi Galgaduud ayaa sheegaya in ciidama hor leh oo Itoobiyaan ay ku soo biireen kuwii horay ugu sugnaa duleedka waqooyi ee degmada Balambal, halka kuwo kalena ay soo buux dhaafiyeen xadka degmadaasi ay la wadaagto Ismaamulka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan deegaanka Axmed Gureey oo aan sidaas uga fogeyn degmada Balanbale.

Dbinaca kale Ciidamada Itoobiya ayaa dhaqdhaqaaqyo kuwan la mid ah ka wada tuulooyin ku dhow magaalada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan iyagoo isku fidiyay buuraha ku teedsan deegaanka Jawiil oo 20 Km u jirta magaalada Beledweyne, lamana garanayo inay halkaasi ku sii sugnaan doonaan iyo inay u soo baqooli doonaan qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan, iyadoo shacabka ku dhaqan gobollada dhexe ee Soomaaliya ay cabsi ka muujiyeen dhaq-dhaqaaqa ay ciidamada Itoobiya halkaasi ka samaynayaan oo keeni karta isku dhac dhex mara iyaga iyo xoogagga hubaysan.

Dhaq dhaqaaqyada ciidamada Itoobiya ay ka wadaan qaar ka mid ah gobalada bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxay imaanayaan labo maalin kaddib markii ay dowladda federalka Soomaaliya ka dalbatay dalalka dariska la ah inay Soomaaliya u soo diraan ciidamo garab siiya oo difaaca dowlada federalka Soomaaliya.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho