Jaaliyadda Soomaalida Sudan oo aad u cambaaraysay dilka waziirka amniga Cumar Xaashi

 

MudugNet, Muqdisho. Jimce, June 19, 2009.


 
Maamulka Jaaliyada Soomaalida ee Sudan waxay aad u cambaareynayaan qaraxa lala beegsaday waziirkii aminga Cumar Xaashi Aadan iyo safiirkii hore ee Soomaaliya .

gudoomiyaha jaaliyadda oo ka hadlaaya dilka masuuliyiintaas ayaa yiri " waan ka xunahay dilka iyo qaraxa argagaxisadu kula kacday waziirkii amaanka iyo safiirki hore C/kariin Faarax Laqanyo waxaana u aragnaa duulaan qaawan oo lagu soo qaaday dad meel gaar ah dagan kana tashanaya dantooda waana la soconaa qolyahaas diinta sheegta in aysan diinta waxba kala socon balse ujeedkoodu yahay in ay shacabka marin habaabiyaan dalkana iyagu ka taliyaan iyagoo aan marnaba aqoonsanayn jiritaanka qowmiyadda Soomaaliyeed. "

gudoomiyaha oo aad u caraysnaa ayaa hadalkiisa ku sii daray " dhagar qabayaashaas yaa halis ku ah nafta ruux kasta oo aan iyaga ka tirsanayn, waxaana shacabka Soomaalida la gudboon in ay dhinac kaga soo wada jeestaan cadow ujeedkiisu yahay in ay Soomaaliya ka dhigtaan goob ay kaga gambadaan caalamka "

Ugu dambayntii waxay dhamnaan xubnaha Maamulka jaaliyadda tacsi tiiraanyo leh u direen dhamaan umadda Soomaaliyeed geerida ku timid masuuliyiintaas Soomaaliyeed ..

khartoum-Sudan
Gudoomiyaha Jaaliyadda.
C/fitaax Xasan Maxamuud